Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Buula-Mareer

Image

BULO-MAREER, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax khasaaro sababay oo xili dambe oo shalay oo Sabti ahayd ka dhacay Deegaanka Buula-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen sarakiisha amniga.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa wuxuu ka dhacay Suuqa Xoolaha ugu wayn ee deegaanka, xilli uu jiray mashquul badan, taasi oo horseeday inuu khasaaro badan ka dhasho.

Ma cadda cida bartilmaameedku ahaa, laakiin sida ay sheegayaan wararka waqtiga uu Qaraxu dhacayey waxaa goobta ku sugnaa Askar ka tirsan dowladda, kuwaasi oo Canshuur ah ka qaadayey Suuqleyda.

Inta la xaqiijiyay Shan qof oo Shacab ah, ayaa ku dhintay qaraxa, halka Afar kale oo iyaguna rayid ahaa ay ku dhaawacmeen qaraxa miino, kuwaasoo dhaawacyadooda loosoo qaaday qaarkood Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin Al-Shabaab ayaa looga bartay weerarada noocan ah ee ka dhacaya dalka Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii Qarax ka dhacay Suuq Khaadka lagu iibiyo oo ku yaala degmada Walla-wayn ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay in ka badan 15 qof, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Bishii April ee 2018, Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaadey saldhiiga Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin Buula-Mareer, oo 150KM dhanka koonfureed uga beegan Muqdisho, waxaana weerarka lagu dilay tobaneeyo Askari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM