Wariye caan ahaa oo ku geeriyoodey London

Image

LONDON - Wariye rug-caddaa ah oo mudo dheer kasoo shaqeynayay Warbaahinta Soomaaliya, Maxamed Aadan Xirsi “Teera”, ayaa maanta oo Khamiis ah ku geeriyoodey magaalada London, ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Allah ha u naxariistee Teera ayaa ku dhintay Isbitaal ku yaalla London, halkaasi oo uu ku xanuunsanaa mudo maalmo ah, sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen Wariye-yaal ay saaxibo ahaayeen.

Marxuumka ayaa Saxaafadda kusoo guda jiray tan iyo 1970, isagoo kasoo shaqeeyay Warbaahino kala duwan, oo ay kamid yihiin Radio Muqdisho, BBC, Universal, IRIN iyo TV-ga dowladda Puntland oo mudooyinkii ugu dambeeyay kamid ahaa maamulkiisa.

Cabdinuur Sheekh, oo katirsan BBC Soomaali ayaa oo si aad ah isagu dhawaayeen Marxuumka ayaa sheegay in Teera uu kamid ahaa Suxufiyiinta ugu caansan dalka Soomaaliya, isagoo Radio Muqdisho kasoo noqday madaxa Idaacadaha.

Teera waxuu kamid ahaa dufcadii ugu horeysay oo ka qalin jebisay Jaamacaddii Umadda [National University of Somalia], oo uu ka bartay Kulliyadda Saxaafadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM