Wasiiro ka tagey Muqdisho oo Lacag ku wareejiyay Axmed Madoobe

Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wafdi Wasiirro ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa gaarey magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG Jubbaland, xilli uu jira khilaaf maamulkaasi kala dhaxeeyo dowladda Dhexe.

Wasiiradan oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kulan aqalka Madaxtooyadda Jubbaland kula qaatey Madaxweyne Axmed Madoobe.

Wafdiga Xukuumadda ayaa lacag gaaraysa $250,000 [Labo Boqol iyo Konton Kun oo Dollar] ku wareejiyay Madaxweyne ku xigeenka 2aad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud [Lugadheere] iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha maamulkaasi.

Lacagtan ayaa loogu tala-gali in lagu caawiyo dadka ay saameysay Fatahaadda ku dhufatay qeybo katirsan Jubbaland, iyadoo $150,000 kamid ah ay ahayd caddaan [Cash], lagu wareejiyay Luga-Dheere, halka inta kale lagu dhubay Akoonka Jubbaland.

Waa kulankii ugu horeeyay oo Wasiiro katirsan Xukuumadda Khayre la yeeshaan Axmed Madoobe tan iyo markii u dhawana dhaliil u jeediyay dowladda Federaalka, oo uu ku eedeeyay inaysan maamulkiisa waxbna u qaban tan iyo markii la doortay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM