Wasiirro cusub oo maanta lagu dhaariyay Muqdisho [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta xarunta lagu dhaariyay Villa Hargeysa, oo hadda si KMG ah ugu shaqeynayo Gollaha Shacabka Wasiirro cusub oo dhawaan uu magacaabey Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhaariyay Wasiiradda, iyadoo munaasabadda ay goobjoog ahaayeen gudoomiye ku xigeenada 1aad iyo 2aad ee Gollaha Shacabka iyo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

24-kii Bishan ayaa Ra’iisul wasaare Khayre magacaabay 13 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru Dowliyaal, kuwaas oo buuxiyay boosas ay iska-casileen xubno siyaabo kala duwan shaqada uga tagey.

12 kamid ah 13-kan wasiir ayaa ah Xildhibaanno katirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo lagu tiriyo dadka ku dhaw Ra'iisul Wasaaraha, islamarkaana ka qeybgalay halgankii lagu riday Gudoomiye Jawaari.

Magacaabistooda ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Xildhibaanada Gollaha Shacabka loo qeybinayo lacag gaaraysa $5,000 [Shan Kun oo Dollar] oo la siinaya Xildhibaan kasta, taasi oo aan ahayn mushaar ama gunno. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM