Weerar culus oo ka dhacay gobolka Baay iyo Wararkii ugu dambeeyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Weerar culus oo sababay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Saraakiisha amniga gobolka Baay ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay saaka wadada xiriirisa Baydhabo iyo Deynuunay kaidb markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen Kolonyo Ciidan oo kusii jeeday deegaanka Deynuunay.

Inta la xaqiijiyay lix qof oo kala ah saddex Al Shabaab ah iyo 3 Askari oo Militeriga dowladda Soomaaliya katirsanaa ayaa ku geeriyootay Iska hor-imaad labada dhinac dhexmaray kaasi oo daba socday weerarka gaadmada ah.

Maxamed Aadan Cali, oo ah Sarkaal katirsan Militeriga ka howlgala gobolka ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Al Shabaab, islamarkaana ay gaadiidkii Kolonyada gaareen halkii ay kusii jeedeen oo ahayd Deynuunay, oo gobolka Baay katirsan.

"Al-Shabaab waxay isku dayday inay weerar gaadmo ah kusoo qaado Kolonyada Ciidanka, balse waxay la kulmeen iska-caabin xoog leh, waxaana laga dilay 3 xubnood, iyadoo meesha uga carareen meydadkooda," ayuu yiri Korneel Maxamed.

Dagaal culus oo socday ku dhawaad hal saac ayaa labada dhinac ku dhexmaray halka lagu weeraray Ciidamada dowladda Federaalka, kuwaasi oo sahay u waday saldhigooda ay ku leeyihiin Deynuuney.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM