Weerarkii duleedka Bariire oo abuuray khilaaf iyo is-maandhaaf

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa soo shaaciyay magacyadda rag ay sheegeen inay Al-Shabaab ka tirsanaayeen, kuwaasoo lagu dilay weerar Habeenkii Arbcada ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkaan oo ay fuliyeen ciidamada sida gaar ah u tababaran ee [Bankaraafta], ayaa waxuu ka dhacay deegaanka Macalinka oo qiyaastii 66KM dhanka Galbeed uga beegan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Abaanduulaha Ciidanka xooga Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood, oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa wuxuu sheegay in Howlgalkaan lagu dilay Shan dagaalame oo Shabaab ah, isagoo soo bandhigay saddex kamid ah magacyadooda.

Wuxuu ku kala sheegay magacyadooda Khaliif Maxamed Warsame oo loo yaqaan [Khaliif Cadaale], Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Muuse Cali oo ku magac dheer [Cali Gaab], kuwaasi oo uu dhamaantooda Canood carabka ku adkeeyay inay dhintaan.

Hadalka Abaanduulaha ayaa kusoo aadayaa iyadoo shalay Muqdisho la keenay Meydadka 5 qof oo ay la socdaan Ehelladooda, kuwaasi oo warbaahinta gudahau sheegay in meydadka yihiin Shacabkii ku dhintey howlgalka.

Laakiin, Abaanduulaha Ciidanka xooga dalka, Canood wuxuu gaashaanka u daruuray warka kasoo yeeray Ehellada ,meydadka, isagoo ku nuux-nuux saday in howlgalka duleedka Bariire aan lagu dilay shacab.

Arrintan ayaa waxay abuuri kartaa mowjad kale oo xiisad siyaasadeed ah, maadaama la sheegayo in Meydadka la keenay Muqdisho ay gadaal ka riixayaa Xilldhibaano mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay dhacdadan, isagoo su'aal geliyay sababta mar walba Xukuumadda ku qasbaysa inay dafirto dilka shacabka, islamarkaana garab ugu siiso Mareykanka "xasuuqa shacabka."

Bishii August, 2017 dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa magdhaw ka bixisay 10 qof oo lagu dilay weerar Ciidamada Mareykanka iyo kuwa xoogga dalka ka fuliyeen beer ku taalla duleedka Bariire.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM