Weeraro ka dhacay duleedka Caasimadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta, labo Kontarool oo ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa weeraro saf-mar ah kusoo qaaday Dabley hubeysan oo aanan wali la garan heeb-tooda.

Barahaan Kontarool oo ku kala yaalla Siinka-dheer iyo xaafada Galmudug ee duleedka caasimada Soomaaliya ayaa lasoo weeraray Fiidnimadii xalay oo Khamiis ahayd, iyadoona uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee deegaanka Garasbaaley oo ay hoos-timaado xaafada Galmudug ayaa wuxuu xaqiijiyay in weerarkaan looga dilay dhanka ciidanka dowladda Hal askari, islamarkaana dhaawacyo ay jiraan.

Wuxuu tilmaamay in dhanka Raggii weerarka kusoo qaaday ay gaarsiiyeen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow uu ka gaabsaday inuu carabaabo tiradda dhimashada.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weeraradaan ka dhacay duleedka Muqdisho, balse waxaa ficilada noocaan ah ku caan-baxay dagaalyahanada Al Shabaab, kuwaasoo mudooyinkii dambe kordhiyay beegsiga askarta dowladda Soomaaliya.

Weerarkaan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo xukuumada Soomaaliya ay wado dadaalo ay ku xaqiijineyso amaanka guud caasimada iyo deegaanada hoos yimaada, iyadoo u diyaarisay ciidamo cusub, laakiin waxaa muuqata in wali aysan amaanka gacan ku hayntiisa sal fadhiya lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM