Xog muhiim ah oo ku saabsan Kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo kiiska muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya uu ka furan yahay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa waxaa Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ay soo bandhigtay mac-luumaad ku saabsan arrinkaas.

Wasaarada ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sharaxday heerarka ay mari doonto dacwada muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo hadda looga fadhiyo Maxkamadda ICJ inay go'aan ka gaarto.

Dabayaaqadda sanadkii tegay ee 2017 ayey ahayd markii Garsoorayaal Soomaaliya oo uu hor-boodayo Xeer-illaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir iyo xubno kale oo xarunta Maxkamada ICJ tegay ka cadeeyeen mowqofka Soomaaliya, halka Kenyan ay sidaas oo kale sameysay.

Sidaas darteeda, Wasaarada arrimaha dibada ee Soomaaliya waxay sheegeysaa in 18-ka bisha June ee sanadkaan 2018 ay tahay maalinta ugu dambeysay ee laga sugayo jawaabta dhankeeda, taasoo qaab qoraal ahaan ay ku gudbin doonan.

“Kenya, iyadana waxay gudbin doontaa jawaabteeda oo ay uga fal-celinayso oraah-deena 18-ka December ee isla sanadkaan 2018, waqtigaas loo cayimay,” ayey Wasaaradu ku dartay hadalkeeda, sida laga soo xigtay qoraalka.

Ugu dambeyn, sanadka dambe ee 2019, ayaa waxaa lagu wadaa in loo fariisto dhageysiga maxkadda, markaasoo la filayo in Garsoorayaasha Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ ay u kala gar-qaadaan Soomaaliya iyo Kenya.

Bayaankaan kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo maalmo ka hor, uu beeniyay Wasiirka Wasaarada Axmed Ciise Cawad, hadal kasooo yeeray dhigiisa Kenya, kaasoo ahaa inay si hoos ku xalinayaa arrinkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

ICG: Soomaaliya weli diyaar uma aha inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga

Mareykanka ayaa isna sii wadi doona howlgallada uu si gaar ah uga fuliyo Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sida ay sheegtay warbixintu.

  • Soomaliya

    20-09-2026

  • 05:36AM

Mareykanka oo cunaqabateyntii ka qaaday Eritrea: Maxay uga dhigan tahay Itoobiya, Soomaaliya iyo loollanka Badda Cas?

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa Jimcihii ka saartay liiska cunaqabateynta…

  • Soomaliya

    19-09-2026

  • 01:47PM