Biixi oo kusii dhawaanaya inuu qirto guuldarada doorashada Somaliland

Image
Cabdiraxmaan Ciro ayaa loo saadaalinayaa inuu ku guuleysan doono tartanka madaxtinimada.

HARGEYSA, Somaliland - Wararka aannu ka helayno aqalka madaxtooyada Maamulka Somaliland ee Hargaysa ayaa sheegaya in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu khadka Telefanka kula xiriiray Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, oo hoggaaminaya codadka la tiriyey ee doorashada Madaxtinimada maamulkaasi.

Muuse Biixi ayaa la xaqiijiyey inuu Cirro ugu hambalyeeyey horumarka uu ka sameeyey doorashada, wuxuuna u balan qaaday inuu xilka ku wareejin doono haddii uu ku guulaysto natiijada kama dambaysta ah ee ay ku dhawaaqayaan komishinka doorashooyinka Somaliland.

Labada Mas'uul ayaa lafilayaa inay yeeshaan kulamo hordhac ah, marka laga dhawaaqo natiijada ugu dambaysa si ay uga wada hadlaan dhabbaha xil wareejinta iyo qorshayaashii u socdey xukuumadda Kulmiye.

Xalay ayay ahayd markii Warar Garowe Online helay ay sheegayeen in kulan albaabada u xiran yahay uga socdo Madaxtooyada Somaliland, kaas oo dhexmaraya Madaxweyne Muuse Biixi, musharraxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ah guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Kulankan ayaa la sheegayaa in looga hadlayo guusha musharrax Cirro iyo sidii xiliga kala-guurka looga wada shaqeyn lahaa in si nabad ah lagu wareejiyo talada.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Cabdiraxmaan Cirro uu hoggaaminayo codadka doorashada madaxweynenimada Somaliland, iyadoo warar kale ay sheegayaan in guddoomiyaha guddiga doorashada uu codsaday in ciidamada ammaanka ay sugaan amniga musharrax Cirro oo la filayo inuu hoggaamiyo Somaliland shanta sano ee soo socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM