Biixi oo qaabilay wafdi uu horkacayo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Image
Kulankan waxaa diirada lagu saarey ammaanka iyo doorashooyinkii ka qabsoomay Somaliland.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabiley Safiirka Dalka Maraykanka Amb. Richard Riley oo ay wehliyaan  masuuliyiin kale iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Maraykanka.

Ugu horayn, Biixi waxa uu xubnaha weftiga ee dawladda Maraykanka uga mahadnaqay iskaashiga iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee Amniga geeska Afrika iyo dhinaca Militriga. Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xusay in booqashada weftigani ay xoojinayso xiriirka mustaqbal ee labada dhinac.

Dhinaca weftiguna waxay si wada jira u soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Safiirka Maraykanka, Amb. Richard Riley iyo Major General Brian Cashman oo iyaguna sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada Amniga Geeska Afrika. Sidoo kale, waxay kawada xaajoodeen arrimaha dimuquraadiyada, iyo doorashooyinka isku isku sidkan.

Kulankaa waxa Biixi ku wehelinaayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Taliyeyaasha Ciidamada Militeriga iyo Sirdoonka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Mustafe Maxamed Xasan (Bacaluul) iyo La taliyaha Arrimaha Sharciga ee Madaxweynaha Marwo Amaal Cabdilaahi Cawil.

Dhinaca weftigana waxa wehelinaayey safiirka iyo taliyaha masuuliyiin iyo saraakiil sarsare oo ka mida dawladda maraykanka iyo ciidamada Militeryga Maraykanka ee qaaradda Afrika kuwaas oo kala ah;-Colonel Carl Benander, Andrew Kelly oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda, Colonel Brian Luti, Matthew Cassidy iyo Sergeant Major Chadwick Forbes.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM