Dowladda Itoobiya oo amaantay doorashadii Somaliland

Image
War-saxaafadeedku waxa kale oo lagu ammaanay Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

HARGEYSA, Somaliland - Dowladda Itoobiya ayaa bogaadisay doorashadii madaxtinimada ee toddobaadkan ka dhacday Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa lagu sheegay inay shacabka Somaliland ku hambalyeysay sida nabad-gelyada iyo dimuqraadiga ah u dhacday ee doorashadu u dhacday.

War-saxaafadeedku waxa kale oo lagu ammaanay Komishanka Doorashooyinka Somaliland sida ay u qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.

“Hannaankani waxa uu ka tarjumayaa bisaylka dawladnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland,” ayaa lagu soo gunaanaday war-murtiyeedka.

Horaantii sanadkan, Itoobiya iyo Somaliland waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah (MOU) kaas oo Somaliland ku siinaya aqoonsi ay ku kireynayso 20km oo badda ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta Somaliland.

Is-fahamkaas ayaa lagu cambaareeyay in uu ku xad-gudbay qaranada Soomaaliya oo u aragta Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda. Somaliland iyo Itoobiya way difaaceen heshiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM