Maamulka Somaliland oo digniin kasoo saarey shirarka beeelaha

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa Axaddii shalay uga digay shaqsiyaad iyo kooxo lagu eedeeyay in ay nabadda wax u dhimayaan, ku xad-gudbinayaan, iyo abaabulka shirar beeleedyo ka socda guud ahaan maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in maamulku uu ballan qaaday in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda fal-dambiyeedka ama carqaladaynta amniga guud.

“Saxaafaddu waa inay ka fogaato baahinta hadalada naceybka ah ee dhaawacaya midnimada bulshada iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xukuumadda Hargeysa ayaa ku cel-celisay inay mamnuucday in hoteellada iyo goobaha caamka ah lagu qabto shir beeleedyada. Hoteelada ayaa la faray in ay ka fogaadaan in lagu qabto shirarka noocaan oo kale ah oo maamulku u arko mid halis ku ah xasiloonida iyo wadajirka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM