Madaxwayne Cirro oo gudoomiyay shirkii koowaad ee xukuumadiisa

Image
Madaxtooyadda Somaliland ayaa kulankan waxay ku qeexdey isbarahso iyo qeybinta hagaha xukuumadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Fadhigii koowaad ee Golaha Wasiirrada cusub ee Somaliland ayaa waxaa guddoominayey Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Isbarasho ka dib, Madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay Barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa.

Sidoo kale, Cirro waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda. Madaxweynuhu waxa uu golihiisa xasuusiyey in looga fadhiyo in aynu ugu shaqayno daacadnimo iyo hufnaan.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada waxa loo qaybiyey wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo  waafajiyo xeerka.

Dhanka kale, madaxwayne Ciro wuxuu si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo ka mida Gobolka Sanaag, waxaanu madaxweynuhu mar-labaad ku celiyey baaq nabadgelyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM