Somaliland oo ku faraxsan in Ciidanka Mareykanka laga saaro Soomaaliya

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Maamulka Somaliland ayaa soo dhaweeyay go'aanka Madaxweyne Trump ee inta badan Ciidanka Mareykanka looga soo saarayo dalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in tallaabadan Mareykanka ay fariin xoog leh u dirayso dowladaha Geeska Afrika, oo ah inay isku tashadaan, oo ay qaadaan mas'uuliyadda amnigooda.

Somaliland waxay sheegtay in gobolka oo yahay mid muhiim ah oo isku xiran danihiisa, islamarkaana loo baahan yahay iskaashi iyo wadashaqeyn uu Mareykanka qeyb ka yahay maadaama maraakiibtiisa ay isticmaalaan biyaha ku dhaw Soomaaliya.

Madaxweyne Trump ayaa doonayo inuu Ciidanka Mareykanka u wareejiyo dalal kale, oo Kenya iyo Jabuuti ay kamid yihiin, iyadoo go'aankiisa uu dhaqan-galaya horaanta 2021, oo isaguna macsalaamaynayo Aqalka Cad.

Ku dhawaad 700 oo askari ayaa Mareykanka ka jooga dalka, kuwaasoo muhiim u ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyagoo duqeymaha cirka ka geysta goobaha Kooxaha argagaxsiadda joogaan.

Ciidanka Mareykanka waxay tababareen DANAB, oo ah unuga ugu firfircoon Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, oo Al-Shabaab ku weerara goobaha ay ku sugan yihiin hogaamiyeyaasheeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM