Wasiirka Arrimaha Dibadda Malawi oo safar ku tagey Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Waxaa maanta oo Sabti ah magaaladda Hargeysa gaarey wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda wadanka Malawi, Eisenhower Mkaka.

Lama oga ujeedka socdaalka Wasiirka, iyadoo aan jirin wax war ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan booqashadda, taasoo kusoo beegmaysa xili dhawaan Uhuru Nairobi heshiis kula galay Muuse Biixi.

Heshiiska ayaa ku saabsan inay Kenya Qunsuliyad ka furato Hargeysa, halka Somaliland xafiiska ay ku leedahay Nairobi loo bedelayo Qunsuliyad, waxaana tallaabadan ka careysiisay dowladda Soomaaliya.

Horey Jabuuti iyo Itoobiya ayaa qunsuliyado uga furtay Hargeysa, iyadoo hadda Kenya kusoo biirtay, waxaana la ogeyn in Malawi ay doonayso tallaabadaas oo kale inay qaado.

Waxay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya iyo  Gini (Guinea) kadib markii ay maamuus Madaxweyne dal madaxbanaan ugu sameeyeen caasimadahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM