Soomaali la xaqiijiyey in uu ku dhintey dhul-gariirka Turkiga
ANKARA, Turkiga - Tirada dhimashada dhul-gariirkii dhawaan ka dhacay gobalada xuduuda Turkiga iyo Suuriya ayaa korortay, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah.
Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayib Erdogan, ayaa shaaca ka dhigay in gudaha Turkiga ay ku dhinteen 3,549 halka gudaha Suuriya ay ugu geeriyoodeen 1,712 ruux.
Guud ahaan, dhimashada ayaa maraysa 5,261 iyada oo wali la baadi-goobayo dad nool dhismayaasha hoostooda. Khasaaraha ayaa laga cabsi qabaa in uu intaas kasii bato.
Cabirka dhul-gariirka ayaa lagu sheegay 7.8 Magnitude isaga oo ka dhacay gobalka Gaziantep ee dalka Turkiga oo dhaca xuduudka Suuriya halkaasoo waxyeelo daran uu ka geystay.
Wasiirka arimaha gudaha Turkiga, Süleyman Soylu oo goordhaw shir jaraaid warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in ay wali wadaan dadaalka isaga oo ugu baaqay in dadku ay is dajiyaan.
Kooxaha gurmadka deg-deg ayaa wada samatabixinta dadka ay kasoo saarayaan dhismayaasha bur-buray waxaana saacad-ba sii kordhaya dadaalka ay kooxahaas bixinayaan.
Dhanka kale, Sahal Cabdi Jaamac oo kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhintey dhul-gariirka kadib markii uu guri kusoo dumay.
Marxuumka ayaa kamid ahaa 9 dhalinyaro ah kuwaasoo saacadihii ugu dambeeyay ee dhul-gariirka ay soo ifbaxdey in la waayey kadibna qaar kamid ah la helay iyaga oo nool.
GAROWE ONLINE