Soomaali si qaldan loogu riday xabsi daa'in oo cadaalad helay

Image
Mohammad Hanad Cabdi ayaa lagu xukumay 142 sano oo xarig ah sanadkii 2021.

LONDON, Britain - Maxkamad racfaan oo ku taalla dalka Giriiga ayaa amartay in la sii daayo muwaadin Soomaali ah oo lagu xukumay xabsi daa’in, iyadoo kiiskan uu indhaha caalamka ku soo jeediyay sharciga ilaalinta xuduudaha ee dalkan ka tirsan Midowga Yurub.

Mohammad Hanad Cabdi ayaa lagu xukumay 142 sano oo xarig ah sanadka 2021 ka dib markii lagu helay dambi ah in uu waday dooni yar oo ka timid Turkiga kuna sii jeeday jasiirada Giriiga ee Lesbos sanadkii hore.

Racfaan Isniintii ka dhacay jasiiradda Lesbos ee dalka Giriiga ayaa xukunkiisa ka dhigay 8 sano, waxaana garsooraha maxkamadda racfaanku uu amar ku bixiyay in la sii daayo, isagoo aqoonsaday waqtiga la qabtay iyo dhaqankiisa wanaagsan.

Maxkamadeynta ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhowr xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Yurub kuwaas oo ku dooday in Cabdi oo ah 29 jir aabbe leh afar carruur ah, si qalad ah loogu xukumay.

“Dhammaanteen waxaan la ilmeynaa nafis. Waxay ahayd maalin aad u adag. Dacwad oogaha dowladda ayaa qaatay go’aan adag, wuxuuna rabay inuu sii adkeeyo xukunka," ayuu Stelios Kouloglou oo ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub oo hogaaminayay ololaha kana qeyb galay maxkamada u sheegay Associated Press.

Kouloglou ayaa raaciyey "Waa go'aan aad muhiim u ah sababtoo ah qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta caadiga ah ayaa loola dhaqmayaa sidii mukhalasiin. Maxamed waxa uu maqnaan doonaa dhowr maalmood kadib marka warqadihiisa la dhammeeyo...tallaabada nagu xigta waa in aan u ololeyno in sharciga wax laga beddelo."

Cabdi waxa uu maxkamadda u sheegay in uu kaliya kaxaystay doonida ka dib markii uu ka tageen mukhalasiin Turki ah intii lagu guda jiray 2020-ka oo uu uga gudbayay Lesbos oo ka yimid dhul-weynaha Turkiga ee u dhow. Kiiskan waxaa aad u cambaareeyay dad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM