Soomaaliya: Qoys uu ku jiro wiil 10-jir ah oo loo laayay aano qabiil

Image
Dhacdadan ayaa laga soo wariyey gobol uu maalmo kahor socdaal kusoo maray madaxwayne Xasan Sheekh.

JOWHAR, HirShabelle - Qoys ka koobnaa saddex qof ayaa aano qabiil loogu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe ee HirShabelle, sidda ay muujinayaan warbixinadda laga helayo dadka degaanka iyo warbaahinta maxaliga ah.

Sida ay xogta muujineyso, wiil 10-sano jir ah, gabar dhalinyaro ah iyo ayeeadood ayaa lagu waramay in ay ka koobnaa reerkan lagu laayay tuulada Xaluule oo hoostagta degmada Warsheekh.

Safiya Sheekh Abuukarow ayaa lagu sheegay gabadha dhalinyarada ah ee kamid ahayd marxuumiinta dil wadareedka lagula kacay. Sawirkeeda ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad loogu faafiyey baraha bulshada.

Mas'uuliyiinta HirShabelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Dadwayne uga falceliyey baraha bulshadda waxay ku tilmaameen "ficil wuxushnimo ah oo argagagax leh".

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xill saddex maalmood kahor uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud socdaal kusoo maray degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xaliyo colaad beeleed.

Colaadan oo ka taagneyd degaanka Cadale ayaa lagu waramay in ay saameyn ku yeelatay gulufka ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab. Hogaanka dalka wuxuu kooxda ku eedeeyay "isku dirka qabiilada".

Isaga oo la hadlaya odayaasha dhaqanka ee degaanka Cadale kadib markii heshiis ay kala saxiixdeen, Xasan Sheekh ayaa uga digay nabadoonada "in aysan ugu imaan karin askarigii gacanta lagu dhigo isaga oo taagan isbaaro".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM