Suudaan: Xaalad degdeg ah oo lasoo rogay kadib dilka afar qof

Image
Ma jirto koox si degdeg ah u sheegatay mas'uuliyadda weerarka dhiiga uu ku daatay.

QAAHIRA, Masar - Kooxo hubaysan ayaa rasaas ku furay goob basaska laga raaco oo ku taal koonfurta Sudan Isniintii, sida ay saraakiil dowladeed ay shaaca ka dhigeen, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan afar qof, waxaanay taasi keentay in maamulku ku dhawaaqo xaalad degdeg ah oo soconaysa muddo bil ah.

Saraakiisha gobolka Koonfurta Kordofan ayaa sheegay in weerarka ka dhacay caasimadda gobolka Kadugli ay ku dhaawacmeen ugu yaraan afar kale.

Ma jirto koox si degdeg ah u sheegatay mas'uuliyadda weerarka, oo dhacay xilli dadka la laayay ay ku sii jeedeen deegaannada ay maamulaan jabhadda loo yaqaanno Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Suudaan-Waqooyi, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Mousa Gaber Mahmoud, ku simaha gudoomiyaha gobolka ee South Kordofan, ayaa ku tilmaamay weerarka "nasiib darro", isagoo ballan qaaday in maamulada maxalliga ah "dadaal ku bixin doonan dib u soo celinta amniga iyo xasilloonida" gobolka.

Mahmoud ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in xaaladda deg deg ah ay Isniintii ka dhaqan gashay guud ahaan gobolka koonfureed ee ku yaalla xadka Koonfurta Suudaan.

Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Dadka Suudaan-Waqooyi, oo uu hoggaamiyo Abdel Aziz al-Hilu, ayaa gacanta ku haysa dhul ballaaran, oo ay ku jiraan buuraha Nuba.

Muddo tobanaan sano ah ayay la dagaalamaysay xukuumadda caasimadda Suudaan ee Khartoum. Xabad joojin ayaa la dhex dhigay militariga iyo kooxda ka dib markii xilka laga tuuray Cumar Al-Bashiir bishii Abriil 2019.

Iyada oo ay socdeen kacdoon dadweyne oo looga soo horjeeday xukunka, waxaa jiray xiisado u dhexeeya labada dhinac kadib afgambi militari oo meesha ka saaray dowlad kumeel gaar ah bishii Oktoobar 2021, taasoo guud ahaan dalka galisay qalalaase hor leh isla markaana xal kama dambeys ah loo goobayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM