Tafaasiisha aaladda bixineysa digniinta ee ku xiran telefoonka Iphone 14

Image
Sida uu qorey wargeyska Wall street Journal, shirkadda Apple ayaa fahfaahin ka bixisay ujeedada aaladan.

WASHINGTON, United States - Taleefoonka cusub ee dhowaan lasoo saaray ee Iphone 14 ayaa waxaa ku xiran aalado casri ah oo bixinaya digniinaha marka uu qofka wato galo shil gaari, kadibna taleefoonka si iskiis ah ula xiriiraya qeybta gargaarka degdegta ah si ay ugu soo gurmadaan qofka watay taleefoonka.

Hase yeeshee waxaa hadda dhacaya waxyaabo aanan horey loogu talogalin sida ay tabinayso warbaahinta Maraykanka. Dadka wata taleefoonkan ee isticmaala wiifoowga ama wiishka is wareejiya ee lagu ciyaaro ayaa sheegay in taleefoonkooda uu dirayo fariimo gargaarka degdega ah, isaga oo u qaatay in qofka uu shil gaari galay.

Sida uu qorey wargeyska Wall street Journal, shirkadda Apple ayaa sheegtay in ujeedka uu ahaa in la hormariyo badqabka dadka, balse la sixi doono cilladan cusub ee hadda timid.

Taleefoonka Iphone 14 iyo saacadiisa ee aaladahan qeylo-dhaanta bixiya ayaa dhowaan fuliyay shaqadii loogu talogalay, iyaga oo farriin u direy kooxaha gargaarka kadib markii uu shil ka dhacay gobolka Nebreska ee dalka Maraykanka.

Wargeyska ayaa tabiyay in 6 qof oo ku sugnaa carwada Kings Island ee magaalada Cincinnati ee gobolka Ohio uu taleefoonkooda wacay gargaarka degdega ah kadib markii ay raaceen wiifoowga, isaga oo taleefoonka u qaatay in uu qofkani shil gaari galay.

Mid ka mid ah farriimaha codka ah ee uu taleefoonka direy oo uu wargeyska heley ayaa dhahaysa “Mulkiilaha taleefoonka wuxuu galay shil aad u daran, mana taabanayo taleefoonka”.

Dad kale oo taleefoonka isticmaala ayaa sheegay in uu adeeggan iskiis isu shiday kadib markii uu dhulka ku dhacay taleefoonka. Farriimaha qaldan ayaa waqti qaali ah ka lumin kara kooxaha gurmadka caafimaadka, waxa ay sidoo kale welwel iyo walaac aan loo baahnayn ku abuuri karaan qaraabada qofka.

Shirkad maamusha carwooyinka wiifoowga oo lagu magacaabo Dollywood ayaa digniino qoraal ah ku dhajisay albaabada laga galo goobaheeda, iyada oo sheegtay in dadka adeegsada taleefoonada Iphone 14 ay ogaadaan in taleefoonka uu iskiis u wici doono kooxaha gargaarka haddii ay raacaan wiifoowga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM