Taliban oo "khaarijisay" xubno maleegay weeraro dhiig ku daatay
KABUL, Afgaanistaan - Ciidamada ammaanka ee Taalibaan ayaa ku dilay lix xubnood oo ka tirsan Daacish hawlgal xilli habeen ah ka dhacay caasimadda Afgaanistaan ee Kabul, sida uu sheegay afhayeen u hadlay kooxda.
Xubnaha Daacish ee lagu dilay weerarka lagu qaaday goob ay ku dhuumaaleysanayeen ayaa ku lug lahaa labo weerar oo waaweyn todobaadyadii la dhacay soo dhaafay, mid ka mid ah ayaa lagu qaaday masaajid ku yaalla magaalada iyo midda kale oo lagu qaaday machad waxbarasho oo ay ku dhinteen tobonaan gabdhood oo arday ah, ayuu yiri afhayeenka, Qari Yuusuf Axmadi.
"Waxay ahaayeen kuwii weeraray masaajidka Wazir Akbar Khan iyo sidoo kale ... machadka Kaaj," ayuu xusay Ahmadi, oo sheegay in mid ka mid ah ciidamada ammaanka ee Taliban lagu dilay howlgalka.
Qaraxii ka dhacay qeybta dumarka ee xarunta waxbarashada machadka Kaaj 30-kii bishii September ayaa waxaa ku dhintay 53 ruux oo u badnaa gabdho iyo haween dhalinyaro ah.
Sebtembar 23-keedii, ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow masaajid ku yaalla Wazir Akbar Khan, oo ah xaafad si weyn loo ilaaliyo oo mar hoyga u ahayd "Aaga Cagaaran" ee safaaradaha iyo saldhigyada ciidamada shisheeye.
Tan iyo markii Taliban ay la wareegeen 2021, waxay sheegeen inay diiradda saareen sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka dalka ka dib tobanaan sano oo dagaal ah.
Si kastaba ha ahaatee, qaraxyo is xigxigay ayaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay caasimadda iyo magaalooyinka kale waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in ammaanka uu sii xumaanayo. Tani waxay abuurtey xaalad walwal ah.
GAROWE ONLINE