Tirada caruurta ku dhimatay colaada Yemen oo la shaaciyey
SANCA, Yemen - In ka badan 11,000 oo carruur ah ayaa lagu dilay ama lagu naafeeyay coladda Yemen, sida ay sheegtay Unicef, iyadoo hay'adda Qaramada Midoobay ay ku baaqday in si degdeg ah loo cusbooneysiiyo xabbad-joojin.
Yemen ayaa sanadkii 2014-kii galay dagaal sokeeye kadib markii Xuutiyiinta ee taabacsan Iran ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Sanca, taasoo ku qasabtay dowladda caalamku aqoonsan yahay inay u cararto Sacuudiga.
Xukuumadda Riyadh iyo isbaheysiga xulafada gobolka, gaar ahaan Imaaraadka, ayaa Yemen soo farageliyay bishii Maarso 2015 si ay dib ugu riixaan falaagadda hubeysan.
Toddobo sano oo dagaal ah ayaa ku guul darreystay in ay meesha ka saaraan Xuutiyiinta ka taliya waqooyiga Yemen iyo qiyaastii 80 boqolkiiba dadka dalkaas, oo ay la socdaan xarumaha waaweyn ee magaalooyinka.
Xabbad joojin ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay ayaa burburay Oktoobar. "Tan iyo markaas, ugu yaraan 62 carruur ah ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay Yemen," ayay tiri Unicef.
Qaar badan oo ka mid ah caruurta la dilay ayaa waxaa galaafatay miinooyin iyo walxo kale oo qarxa, iyadoo ugu yaraan 74 carruur ah la dilay intii u dhaxaysay Luulyo iyo Sebtembar 2022 oo keliya.
In kasta oo uu dagaalku weli hakad ku jiro, haddana Yemen waxa ay ku jirtaa xaalad bani'aadamnimo oo khatar ah oo ay ka jirto cunto-yaraan ba'an, la'aanta helitaanka biyo nadiif ah oo la cabbo, iyo nidaam caafimaad oo jilicsan.
GAROWE ONLINE