Tirada dhimashadda dhulgariirka Indonesia oo korortey

Image
In ka badan 700 oo qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dhulgariirkii cabbirkiisa lagu qiyaasay 5.6 magnitute.

JAKARTA, Indonesia - Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii dalka Indonesia ayaa sii cagacageynaysa 162, sida ay sheegtay hay’adda musiibooyinka ee dalkaasi Isniintii oo ay soo xigteen warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

In ka badan 700 oo qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dhulgariirkii cabbirkiisa lagu qiyaasay 5.6 magnitute, sida ay wakaaladdu ka soo xigatay guddoomiyaha galbeedka Java Ridwaan Kaamil.

Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Cianjur ee galbeedka Java saacadu markay ahayd 1.21 p.m. waqtiga maxaliga ah ee waddankaas (0621GMT.)

Waxaa laga dareemay caasimadda Jakarta iyo gobollo kale, oo ay ku jiraan Rancaekek, South Tangerang iyo Depok, sida ay xustey wakaaladda saadaasha hawada, cimilada iyo deegaanka.

Goor sii horreysay, mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Qaranka ee ka hortagga Musiibooyinka ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay u badan tahay inay kororto.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, ayaa Isniintii soo saartay bayaan ay ku muujinayso “in ay aad uga xun tahay” gariirkii dhacay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelada dadkii ku dhintay iyo sidoo kale shacabka saaxiibada iyo walaalaha ah iyo dowladda Indonesia, waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay," ayay tiri wasaaraddu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM