Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Image
Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka ambaqaadaya dib u habeynta iyo hagaajinta Hanaanka Baarista Dembiyada Dalka, ayaa dabayaaqadii sanadkii 2023 isbadal ku sameeyay Madaxda Hoggaanka Baarista Dembiyada, iyada xiligaas uu Taliyaha Ciidanku u magacaabay Taliye iyo Taliye-xigeen.

Qorshaha Isbedelka oo ay la yimideen Madaxda Cusub ee Hoggaanka Loo magacaabey, ayaa ahaa in wax laga bedelo hanaanka Caladaalad marinta ee darafyada Dacwadaha gaar ahaan hanaanka loo maro baarista Hide-sidaha (DNA) kaas oo kiisaska badan ee la keeno waaxda sheybaarka Cilmiyeeysan Loo qaado Dalka Dibadiisa, iyada oo la sugo Muddo dhan 3 bilood, taas oo eedeysanaha uusan cadaalad helin muddo ku siman 3 Bilood ee la sugaayo jawaabta baarista.

Taliyayaasha ayaa la yimid qorshe ah in DNA Loo qaado Dalka Turkiga si ugu yaraan jawaabta loo helo Inta u dhaxeyso 1-5 maalmood gudahood, ayaa kulamo joogto ah la qaatey saraakiil ka tirsan Dalka Turkiga, Heshiiskaas ayaa hadda maraayo meel gabo gabo taas oo looga kaaftoomi doono in Jawaabta DNA la sugo 3 bilood iyo in ka badan Inta laga helaayo DNA machine ay yeelaato waaxda kaas mar dhow la filaayo in lagu soo kordhiyo waaxda DNA

Wax ka badalkaan, ayaa wax badan ka badalidoona nidaamka Cadaalad marinta darafyada Dacwaduhu ay khuseeyaan, waxaa ayna wax ka taridoontaa hanaanka guud ee Cadaalada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale.

  • Wararka

    07-08-2025

  • 07:16PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM