Turkiga oo shaaciyey hadafka uu u tababaray ciidanka Soomaaliya

Image
Xukuumadda Ankara ayaa ilaa hadda tababartay 5,000 oo kamaandoos ah oo loo yaqaan Gorgor.

ANKARA, Turkey - Wasaaradda Difaaca dowladda Turkiga ayaa sheegtay in la shaqeynta ciidamada Soomaaliya ay tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen nabadda iyo xasiloonida waddanka Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in tababarka ciidanka looga gol leeyahay in la horumariyo abaabulka, tababarada, kaabayaasha ciidamada iyo nidaamka saadka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

"Guutooyinka uu tababaray oo uu qalabeeyay Turkigu waxay ku guulaysteen inay dib u qabsadaan goobo badan oo ay al-Shabaab maamulayeen, iyagoo difaacday saldhigyadooda iyo inay ka takhalusaan argagixisada," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda oo loo diray VOA.

Waxay intaas ku dartay: “Guutooyinkan waxay mustaqbalka noqon doonaan laf-dhabarta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaan aaminsanahay in askarta ay tababareen ciidamada Turkiga aysan ka shaqeyn doonin oo kaliya amniga Soomaaliya, balse ay u adeegi doonaan amniga Afrika iyo meelo kale”.

Bishii September 30-keeda, sanadkii 2017, dowladda Turkiga ayaa magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho waxay ka hirgeliyay saldhiga ugu weyn ee ay ku leedahay meel ka baxsan dibadda.

Turkiga ayaa ilaa hadda tababaray 5,000 oo kamaandoos ah oo loo yaqaan Gorgor. Si loo xoojiyo hoggaanka, Ankara waxa ay kaloo tababartay 316 sarkaal iyo 392 saraakiil-xigeen.

Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa kamid ah ciidamadda ay sidoo kale tababartey dowladda Turkiga. Guutadan waxay qeyb weyn ka qaateen la hortagida weeraro arggaixiso oo caasimadda ka dhici lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM