Ururka Midowga Afrika oo hakiyey maamuuskii uu siiyey Israa'iil
ADDIS ABABA, Ethiopia - Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in la hakiyay maqaamkii korjoogtada ee Israa’iil laga siiyey ururka, sidaas darteedna aan lagu casuumin shir madaxeedkii toddobaadka.
Hadalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii uu muran ka dhashay cayrinta mid ka mid ah dublamaasiyiinteeda sare ee Yahuuda kaasoo si xoog ah looga saarey kulankii ka dhacay Addis Ababa.
Israa’iil oo ka caraysan falkaas ayaa Iran ku eedaysay inay soo abaabushay talaabadaas "iyadda oo gacan ka helaysa wadamadda tunka weyn ee Algeria iyo Koonfur Afrika".
Dhacdadan ayaa iftiimisay in uu khilaaf ka dhex-taagan yahay ururka Midowga Afrika kadib go'aankii 2021-kii uu madaxa guddiga ururka Moussa Faki Mahamat ku siiyey Israa'iil "aqoonsiga goob-jooge".
Talaabadan ayaa markii lagu dhawaaqay waxaa buuq iyo mudaaharaad ah kala hortagay wadamada awooda leh ee ay ku jirto xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Pretoria.
Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ilaalada oo galbinaysa ku xigeenka agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil u qaabilsan Afrika, Sharon Bar-li, oo ka soo baxayay hoolka shirarka Midowga Afrika ee caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in Bar-li ay ahayd "goobjooge la aqoonsan yahay oo wata calaamadda gelitaanka", isagoo ku eedeeyay Midowga Afrika in ay afduub ahaan u haystaan "tiro yar oo ka mid ah dalalka xagjirka ah sida Aljeeriya iyo Koonfur Afrika, kuwaas oo ay dabada ka riixayaan nacaybka ayna gacanta ku hayaan Iran".
Shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadkii hore ayaa loo hakiyay dood ku saabsan in aqoonsiga lagala laabanayo iyo in kale, waxaana la sameeyay guddi madaxweynayaal ah oo arrintan wax ka qabta.
GAROWE ONLINE