Walaac laga muujiyey muwaadin "si qasab ah loo qariyey"
RIYADH, Saudi Arabia - Mas'uuliyiinta boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si qasab ah u qariyey nin caan ah oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha kaas oo xabsiga ku jiray tan iyo 2013-kii, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda aadanaha.
Amnesty International ayaa shaaca ka dhigtey in Mohammed al-Qahtani loo diiday inuu la xiriiro qoyskiisa tan iyo 24-kii October, lamana oga halka uu ku sugan yahay.
Qoyska ayaa ka shakisan in waayitaankiisa ay la xiriirto cabashooyin uu sameeyay oo ku saabsan in maxbuus kale uu "tacadi u geystay". horaantii bishaan.
Xaaska Al-Qahtani ayaa u sheegtay hay’adda u dooda xuquuqda Sacuudiga ee Sanad todobaadkii hore in ay “ka welwelsan tahay” ninkeeda ka dib markii uu la soo xiriiri waayay waqtigii uu soo wacayay ee caadiga ahaa.
"Kadib waxay la xiriirtay xabsiga si ay wax uga weydiiso ninkeeda, waxaana loo sheegay in loo gudbiyay xabsi kale balse ma aysan shaacin midka mid ah," ayay tiri Amnesty.
Amnesty ayaa ku dartey: “Amnesty International waxa ay ku boorinaysaa mas'uuliyiinta Sacuudi Carabiya in ay shaaciyaan halka uu ku sugan yahay Maxamed al-Qahtani, una ogolaadaan in uu la xiriiro qoyskiisa, isla markaana si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo.”
Mohammed al-Qahtani waa u ololeeye caan ah oo xuquuqul insaanka ah kaas oo sanadkii 2009-kii wax ka aasaasay ururka Sucuudiga ee xuquuqaha madaniga ah iyo siyaasadda ee hadda la kala diray, oo Carabi ahaan loo yaqaan HASM iyo Ingiriisiga ahaanna noqonayo ACPRA.
Sannadkii 2012-kii waxa lala xidhay aasaasihii kale ee ACPRA, Abdullah al-Hamid. Sannadkii 2013-kii, labadan qof ayaa lagu xukumay 10 iyo 11 sano oo xadhig ah, kuwaas oo loo haysto dhaqdhaqaaqooda nabadeed.
Al-Hamid, oo hormuud u ahaa difaaca xuquuqda aadanaha ee Sucuudiga, ayaa ku dhintay xabsiga 2020-kii. Waxa uu ku dhacay istaroog laba toddobaad ka hor dhimashadiisa, laakiin waa lagu hayaa xabsiga inkasta oo uu koomo ku jiray cusbitaalka.
Dhowr xubnood oo kale oo ka mid ah aasaasayaasha ACRPA ayaa sidoo kale ku jira xabsiyada, oo ay ku jiraan Waleed Abu al-Khair, iyo Mohammed al-Bajadi, oo xabsiga ku jira iyada oo aan wax dacwad ah ama maxkamad la soo taagin tan iyo 2018-kii.
GAROWE ONLINE