Wasiir isu-casilay hadal uu ka sheegay ciqaabta dilka toogashadda
TOKYO, Japan - Ra'iisul wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa dib u dhigay safarkiisa seddex shir madaxeed oo soo socda oo ka dhici doona Koonfur Bari Asia si uu xilka uga qaado oo u bedelo wasiirkiisa cadaalada oo si weyn loogu dhaleeceeyay hadal gef ah oo uu ka sheegay ansixinta ciqaabta dilka ah.
Wasiirka cadaalada Yasuhiro Hanashi ayaa Jimcihii warbaahinta u sheegay in uu istiqaaladiisa u gudbiyay Kishida laba maalmood ka dib markii hadal uu ka sheegay shir hoosaad xisbigiisa uu qabsadey ciwaanka koowaad ee warka duhurnimo ka gadaal markii uu taageeray in la meelmariyo ciqaabta dilka toogashadda ah,
Hadalkan ayaa si degdeg ah waxaa u dhaleeceeyay mucaaradka iyo xisbiga Kishida, kaasoo markii horeba uu hareeyay muran ka dhashay xiriirkii tobanaan sano socday ee ay la lahayd Kaniisadda Midaynta.
Kaniisadda Midaynta waa koox diimeed fadhigeedu yahay Kuuriyada Koonfureed kuwaasoo lagu eedeeyay in ay Japan duufsadeen isla markaana ay adeegsadaan siyaasad qalafsan si ay dhaqaale u sameeyaan.
Iscasilaada wasiirka oo raaligelin bixiyey ayaa soo degdegtay ka gadaal markii warbaahinta ay daaha ka feeday in hadal noocaan oo kale uu k asheegay shir dhacay saddex bilood kahor.
Kishida wuxuu sheegay inuu u magacaabay wasiirkii hore ee beeraha Ken Saito, oo wax ku bartay Harvard horena u ahaa madaxa xafiiska wasaaradda ganacsiga, inuu noqdo badalka Hanashi.
Japan ayaa la kulantay dhaleecayn caalami ah oo ku saabsan sii wadida adeegsiga ciqaabta dilka ah. Dowlado badan oo reer galbeed ah ayaa si weyn uga soo horjeeda ciqaabta noocaan ah.
Fadeexaddan ayaa ku qasabtay Kishida inuu dib u dhigo safarkiisa qaadanaya sagaalka maalmood ah si uu uga qayb galo shir madaxeedka Ururka Koonfur-bari Aasiya (ASEAN) ee Cambodia, shirka Kooxda G20 ee jasiiradda Indonesia ee Bali iyo kulanka Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya Pacific (APEC) ee Bangkok.
GAROWE ONLINE