Wasiirka amniga Doodishe oo ka kacay dhaawicii Villa Rays

Image
Mr Doodishe oo la sheegay in uu lug ka jabay ayaa markii ugu horeysay war saxaafadeed kadib dhaawacaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga dowladda federaalka Maxamed Doodishe ayaa kasoo reystay dhaawacyo halis ah oo ku gaaray qarixii iyo weerarkii lagu qaaday hotel Villa Rosa ee Muqdisho. 

Mr Doodishe oo la sheegay in uu lug ka jabay ayaa markii ugu horeysay war saxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay hawlgalada ciidanka Galmudug, kuwaas oo uu si weyn u bogaadiyay. 

"Dib u xoraynta degmada Xarardheere waa guul kale oo taariikhi ah, guusha ciidamada qalabka sida iyo xoogagga difaaca bulshada ay ka soo hooyeen bilihii la soo dhaafay deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle waxa ay ka dhigan tahay in awooddii hogaamineed ee Khawaarijta; siyaasad, dhaqaale iyo ciidanba uu burbur weyn soo gaaray," ayuu yiri.

Bayaanka ayaa raaciyey: "Sidoo kale waxa ay guulahaasi marqaati u yihiin sida wadashaqaynta xukuumadda iyo bulshada Soomaaliyeed, iyo hirgelinta siyaasadda cunaqabataynta dhaqaale, dagaalka xagga fekerka iyo warbaahinta (Istiraatiijiyadda Burburinta Cadawga) ee Khawaarijta lagu qaaday ay kaalin mug leh uga qaateen guusha millatari ee ciidamada qalabka sida".

Sida ay wararku sheegayaan, wasiirka ayaa dhaqdhaqaaqiisa weli yaryahay, isaga oo aanan kasoo muuqan shirka Golaha Wasiiradda iyo munaasabadaha muhiimka ah ee dowladda.

Kadib markii dhaawacaas uu soo gaarey, Doodishe ayaa loo qaadey Turkiga halkaasoo la sheegay in uu kasoo helay daaweyn. Xukuumadda ayaa aad u koobtey xogta laga heli karo xaaladda wasiirka.

Weerarkii Hotel Villa Rays ayaa sababay su'aalo badan. Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in dad badan loo xiray. Balse, illaa haatan, si rasmi ah looma fahfaahin ama lama soo bandhigin natiijadda baarista.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM