Wasiirkii arrimaha gudaha Ukraine oo ku dhintey shil diyaarad

Image
Ugu yaraan sideed iyo tobban ruux kale ayaa lagu waramay in ay ku nafwaayeen dhacdadan.

LONDON, United Kingdom - Sideed iyo tobban [18] qof ayaa dhintay kadib markii diyaarad helicopter ah oo ay saarnaayeen ay ku dul burburtay meel xanaano ah oo ku taal duleedka bari ee caasimada wadankaas ee Kyiv.

Dadka geeriyooday waxaa kamid ah wasiirkii arrimaha gudaha ee Ukraine, Denys Monastyrskyi, ku xigeenkiisa Yevhen Yenin iyo Xoghayaha Dawladda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaas, Yurii Lubkovych.

Taliyaha booliska qaranka, Ihor Klymenko, ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in diyaaradda helicopter-ka ay leedahay waaxda gurmadka degdegga ah ee Ukraine.

Madaxa maamulka militariga ee gobolka Kyiv, Oleksiy Kuleba, ayaa xaqiijiyey in masiibadii ka dhacday Brovary ay ku dhaawacmeen 29 qof iyo sidoo kale 18 dhimasho ah.

Shilka kadib, dab ayaa ka kacay meel u dhow xarunta xanaanada caruurta iyo shaqaalaha ayaa laga raray dhismaha. Burburka diyaaradda helikobtar-ka ayaa ka muuqday bannaanka dhismo gubanaya.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay in diyaarada helicopter-ka ah ay ku burburto magaalada Brovary. Wararkii ugu horeeyay waxay sheegayaan in helicopter-ka ay ku dhufatay dugsiga barbaarinta ka hor inta aysan ku dhicin meel u dhaw dhismaha la dego.

Wadarta dhimashadda waxaa kamid ah 10 caruur ah. Ukraine ayaa waxaa ka soconaya dagaal kala dhaxeeya Ruushka. Xukuumadda Moscow waxay duulaankeeda sabab uga dhigtey in Kyiv ay ku biireyso gaashaanbuurta NATO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM