Weerar gaadmo ah oo lagu dilay in ka badan tobban askari
ABUJA, Nigeria - Ugu yaraan toban askari ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo ay koox "argagixiso hubeysan" ku qaadeen Koonfur-galbeed ee Niger, una dhow xudduudda Mali, sidda ay shaacisay wasaaradda gaashaandhigga waddankaas.
"Khasaaraha ka dhashay weerarkan ayaa laga yaabaa inuu sii kororto iyadoo 16 qof wali la la’yahay 13 askarina waa lagu dhaawacay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda.
Ciidamada ayaa roondo ka waday waqooyiga waaxda Banibangou markii "ay la kulmeen weerar gaadmo ah oo ay fuliyeen koox argagixiso ah oo hubeysan" ayay tiri, iyadoo ula jeedda kooxda Boko Haram.
War saxaafadeedka oo fahfaahin kooban lagu bixiyey ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in dhowr qof oo weerarka soo qaaday lagu dilay dagaalka, balse lama sheegin tirada.
Weerarku waxa uu ka dhacay gobolka Tillaberi ee galbeedka Niger, kaas oo ku teedsan Burkina Faso iyo Mali -- oo ah laba waddan oo ay ka howlgalaan kooxaha argagixisadda.
Tan iyo sannadkii 2017, dalalkan ayaa waxa ay la kulmayeen weeraro soo noqnoqday oo ay fuliyeen kooxo hubaysan oo xiriir la leh Al-Qaacida iyo Dawladda Islaamiga ah ama Daacish.
Gobolka ayaa deris la ah deegaanka Tahoua, halkaasoo kooxo aad u hubeysan ay weerareen xero ay ku nool yihiin qaxooti ka yimid dalka deriska la ah ee Mali todobaadkii hore.
Sagaal qof ayaa lagu dilay weerarka, kaasoo sarkaal maxalli ah uu sheegay inay fuliyeen "argagixiso aad u hubeysan" oo watay mootooyin kuwaasoo dib ugu soo laabtay dalka Mali. Dhammaan wadamadan ayaa waxaa gumeystay Faransiiska.
GAROWE ONLINE