Wiil dhowaan ka qalinjabiyey dugsi oo loo doortey duq magaalo

Image
Jaylen Smith oo 18-sano jir ah ayaa madax ka noqdey magaalo ay ku nool yihiin in ka yar 2,000 oo qof.

WASHINGTON, USA - Wiil 18-jir ah oo madow ah ayaa waxaa loo doortey duqa magaalo yar oo ku taalla gobolka Arkansas ee waddanka Mareykanka, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Jaylen Smith oo ka tirsan xisbiga talada haya ee dimuqraadiga ah ayaa waxa uu noqdey maayarka magaaladda Earle halkaasoo ay ku nool yihiin in ka yar 2,000 oo qof.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo dhammaan taageerayaasheyda sida ay kor ugu qaadeen in dadka ay ka soo qaybgalaan goobaha codbixinta, runtii aad ayaan ugu mahadcelinayaa dhammaantiin," ayuu Smith yiri.

Smith wuxuu ka adkaaday Nemi Matthews, kormeerihii waddooyinka magaalada iyo kormeeraha fayadhowrka. Doorashadda oo ahayd ku celis ayaa waxay qabsoontey Talaadadii todobaadkan.

"Waxaan u hambalyeynayaa Duqa la doortay Jaylen Smith tartanka wanaagsan ee loo orday waxaan idiin rajeynayaa wanaag. Waxaan u mahadcelinayaan cid kasta oo i taageertey," ayuu Matthews yiri.

Smith ayaa waxa uu ku ololeeyay hagaajinta badbaadada dadwaynaha, hagaajinta hababka bullaacadaha ee magaalada iyo wax ka qabashada guryaha la dayacay iyo ka qayb qaadashada bulshada.

Xilli uu ku dhashay Earle, Smith wuxuu dhawaan ka qalin jabiyay Dugsiga Sare ee Earle. Xilal hoggaamineed ayuu kasoo qabtey kooxo badan sidda ururka ardayda dugsigiisa oo uu ahaa madax ka ahaa saddex sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM