Xamse oo amar dul-dhigay agaasimeyaasha wasaaradaha
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda, ayaa faray ilaalinta wakhtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha.
Agaasime walba ayaa, sidda xafiiska Xamse sheegay, waxaa laga rabaa kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howlwadeennada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, soona gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka.
Wasiirka koowaad ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Agaasimeyaasha Guud u leeyihiin hawl-fulinta shaqada dowladda, isaga oo ku adkeeyay in shaqada la soo galo xilli hore, si bulshada loogu adeego xilliga ugu habboon.
"Xukuumadda Dan Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir oo ay horgeysay baarlamaanka iyo balanqaadkii ka danbeeyey ee aan kala saxiixanay wasiirrada," ayaa laga soo xigtey Xamse.
Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreeya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa”.
Xamse ayaa wuxuu kula dardaarmay Agaasimeyaasha Wasaaradaha in ay si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howlwadeennada ay madaxda u yihiin, kana soo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.
GAROWE NLINE