Xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhex qaraxdey India iyo Pakistan

Image
Xurguftan ayaa salka ku haysa geerida hogaamiye caan ahaa oo u ololayn jiray xorriyada Kashmir.

MUQDISHO, Soomaaliya - Pakistan ayaa Arbacada maanta ah dalbatay in baaritaan lagu sameeyo dilka Altaf Ahmed Shah, oo ah hoggaamiye caan ah oo xornimada u dooda, kana soo jeeda Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho.

Dalabka waxaa loo gudbiyay wakiilka India ee Islamabad, kaasoo ay u yeertay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan si uu uga mudaaharaado "xarigga bini'aadantinimada ka baxsan" ee Shah, sida ku xusan bayaan.

Hogaamiyaha Kashmiir oo shantii sano ee lasoo dhaafay u xirnaa maamulka Hindiya ayaa geeriyooday horaantii isbuucaan, maalmo un kadib markii laga helay cudurka kansarka kelyaha kaasoo ku faafay qeybaha kale ee jirkiisa.

New Delhi, sidda ku cad war-saxaafadeedka, kaliya kuma guuldareysan inay siiso daryeel caafimaad Shah, balse waxay dib u dhigtey in dhowr jeer loo qaado isbitaal si loogu sameeyo baaritaano caafimaad.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ugu yaraan afar maxaabiis siyaasadeed oo reer Kashmiri ah ay ku dhinteen xabsiga Hindiya tan iyo 2019.

Dooxada Kashmiir ee kala qaybsan ayaa ahayd isha ugu weyn ee ay isku hayaan labada dhinac ee ku loolamaya Nukliyeerka tan iyo markii la abuuray 1947-kii, iyadoo labada dhinacba ay si buuxda u sheeganayaan.

Labadan dal waxay ku dagaalameen saddex jeer - laba dagaal oo ka dhacay Kashmir sannadihii 1948 iyo 1965, iyo dagaal saddex toddobaad ah oo 1999 ka dhacay gobolka Kargil ee Kashmir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM