Xiisad kasoo cusboonaatay Gaalkacyo oo baaq laga soo saaray

Image
Mas'uuliyiin ayaa tibaaxay in dhibaatadu la xiriirto dhacdooyin horey u dhacay oo aan la dhamaystirin xalinta khilaafkooda.

GAROWE, Puntland - Muran ka dhashay dhul ku yaala magaalada Galkacyo ayaa sababay iska-hor-imaad dhaliyey geerida dhawr qof iyo walaac ku aadan in ay si toos ah isugu rogto colaad dhiig ku daato.

Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Galkacyo ayaa arintaas ka yeeshay kulamo dhinacyada diriray. Mas'uuliyiinta ayaa tibaaxay in dhibaatadu ay la xiriirto dhacdooyin horey u dhacay oo aan la dhamaystirin xalinta khilaafkooda balse haatan dib kasoo cusboonaaday.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland Abshir Cabdi Jaamac ayaa dhawaan gaaray Gaalkacyo isaga oo kulamo kadib sheegay in la xakameeyay xiisadda soo cusboonaatay.

Darafyada dagaalamay ayaa is-waydiinaya sababta Taliyaha guud ee ciidanka Puntland uu u galay arimo muran boos la xiriira maadaama ay tahay shaqada booliska iyo dowladaha hoose.

Xukuumadihii kala duwanaa ee Puntland ayaa dadaal ku bixiyay sidii xaalka Galkacyo wax looga qaban lahaa balse Madaxweyne Deni ayaa haatan wanaagsanayn wada shaqayntiisa Isimada gobalka Mudug kadib markii ay ku kala irdhoobeen doorashadii labada aqal ee Barlamaanka Federaalka ee Deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Dallada ururada bulshada rayidka ee Puntland PUNSAA ayaa baaq ay soo saartay dhinacyada ugu yeertay in wadahadal lagu dhameeyo wax kasta waxaa ayna boorisay Nabadda Galkacyo iyada oo tilmaantay in waddo dheer loo soo maray.

Dhanka kale, qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug ayaa dhowaan waxay soo saareen qaylo-dhaan is-daba-joog ah oo ku aadan in laga fogaado colaadaha si wadajir ahna loo dhameeyo is-qabqabsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM