"Xubin sare" Al-Shabaab ah oo lagu qabtey gudaha Muqdisho

Image
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya goobta laga soo xiray ninkan la tuhunsan yahay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Nin la tuhunsan yahay in uu xubin sare ka yahay Al-Shabaab ayaa lagu qabtey gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil kala duwan oo dhanka ammaanka ah.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya goobta lagu qabtey. Fahfaahin waxay xusayaan in laga soo xiray agagaarka Hotel Villa Rays. Tafaasiil kale waxay sheegaysaa in "lagu qabtey" kontarool ku dhow Madaxtooyadda.

Hay'adaha ammaanka ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin. Balse, illo wareedyo waxay caddeeyeen in su'aallo lagu waydiinayo xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Godka Jilacow halkaasoo xarun u ah sirdoonka gobolka Banaadir.

Macluumaad aan wali si dhab ah loo xaqiijin ayaa tibaaxaya in markii hore la geeyay xarunta dambi-baarista CID-da balse ay kasoo saareen Ciidamadda Madaxtooyadda halkaasoo ay ammaankiisa ku sugayaan.

Xog kale ayaa sheegaysa in baaritaanka lagu sameeyay telefoonkiisa iyo xisaabaadkiisa ay muujinayaan in uu haysto lacag boqolaal kun doolar-ka Mareykanka ah iyo xiriiro uu la sameeyay mas'uuliyiin iyo ganacsato.

"Illaa hadda si dhab ah looma in uu qeyb ka ahaa kooxdii fulisay weerarkii ugu dambeeyay ee Villa Rays. Balse waxaa lagu ogaan doonaa baaritaanka," ayay sheegeen saraakiil. "Wuxuu wataa dhowr aqoonsiyo (IDs).

Saraakiil si dhow ula socota kiiskan oo magacooda uga gaabsadey xasaasiyada kiiskan ayaa xaqiijiyey in aqoonsiyadu qaar yihiin xafiisyada ugu sareeya dalka isla markaana mid walba uu ugu qoran yahay magac gaar ah.

"Waxyaabaha la baarayo waxaa kamid ah sida ay ugu suurtagashay latuhunsanahan in uu dago guriga aaggaas muhiimka ah ku yaallo iyo haddii ay jirto cid damaaanad ka ahayd," ayuu xusay mid kamid ah saraakiisha.

Khuburo horey uga soo shaqeeyay laamaha ammaanka iyo hay'adda sirdoonka ayaa horey uga digay in caasimadda ay soo galeen dagaalameyaal sar-sarre oo Al-Shabaab ah kadib markii "lagu jabiyey furimaha dagaalka".

Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay in ay si weyn ugu dhex-milantay hay'adaha amniga. Kala-shaan-dheyn lagu sameeyo ayay falanqeeyeyaashu sheegayaan in ay tahay wadada kaliya ee lagu heli karo ammaan iyo xasilooni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM