Madaxweyne Farmaajo: DFS waxaa ka go'an ciribtirka cudurka Dabeysha [SAWIRO]

Image
Image
Image
Image
Image

Muqdisho,13 Ogosdo 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabaysha laga cirib tiray guud ahaan dalka muddadii sadexdii sano ahayd ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabad dowladdu ay kusoo bandhigaysay mira dhalka dadaalladii lagu dabar- gooynayey cudurka dabaysha ayaa waxa uu ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed, Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah sida ay ugu dhabeeyeen higsigoodii ku aaddanaa ciribtirka cudurkan dilaaga ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay joogteyso dadaallada lagu ciribtirayo, loogana hortagayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid tahay sida ku cad Qorshaha Horumarinta Dalka.” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka iyo laamaha caafimaadka in ay u wada istaagaan sidii loo xaqiijin lahaa in mar kale cudurka dabaysha aanu kusoo laaban dalkeenna.

Guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurkan dilaaga ah ayaa ku timid dadaallo isdaba joog ah oo soo socday in ka badan 30 sano.


DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM