Xukuumadda oo qaraar kasoo saartey Canshuuraha iyo Dakhliga Dalka
MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray Qaraar muhiim ah oo ku saabsan Mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA)
Golaha Wasiirradu Wuxuu Meelmariyay Qaraarka Qodobadiisu Hoos Ku Qoran Yihiin:
Qodobka 1-aad
Joojinta in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu maareeyo Koonto Bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA)
1. Sida ku cad Qodobka 2(1)(r) iyo Qodobka 4-aad ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dhammaan dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu shubaa, laguna maamulaa Khasnadda Mideysan oo keliya (TSA).
2. Si waafaqsan Qodobka 4(2) iyo Qodobka 42(4), waxaa mamnuuc ah in dakhliga Dawladda lagu qabto ama lagu hayo koonto bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA).
3. Si waafaqsan Qodobka 4(3) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dakhliga Dawladda Federaalka waxa ku jira dhammaan lacagaha ay qabtaan hay’adaha Dawladda, iyo sidoo kale dhammaan lacagaha lagu soo ururiyo magaca hay’ad Dawladeed, ama midka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin balse aan ku xaddidnayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan ee loo ururiyo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee dhaqangalka ah.
Qodobka 2-aad
Hay’adda Dawladda Mas’uulka uga ah Dakhli Ururinta
1. Sida ku cad Qodobka 8(2) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ah hay’adda kaliya ee u xilsaaran ururinta, maareynta iyo la socodka dhammaan noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya.
2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda bixinta adeegyada Dawliga ah, dhammaan hay'adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah, inay si iskood ah u ururiyan ama u maareeyaan dakhliga Dawladda, oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.
Qodobka 3-aad
Dejinta Tacriifadaha
1. Si waafaqsan Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasiirka Maaliyadda oo kaliya ayaa awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.
2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda dhaqan-gelinta iyo fududaynta bixinta noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda, dhammaan hay'adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.
3. Iyadoo u-hoggaansamaysa Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasaaradda Maaliyaddu waa in ay sahan dhamaystiran ku samayso dhammaan tacriifadaha hadda jira ee la xiriira ilaha kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo hubiyo in dhammaan tacriifadahaas, oo ay ku jiraan kuwa canshuuraha, khidmadaha, iyo ganaaxyada, ay la socon kara xaaladaha dhaqaale ee Dalka.
Qodobka 4-aad
Dib-u-eegista Heshiisyada iyo Qandaraayadda aan waafaqsanyn Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019 iyo Sharciga Iibka ee Qaranka 2016
1. Si loo hubiyo u hogaansanaanta qodobbada sharciga islamarkasna looga hortago khataraha maaliyadeed ee ka dhalan kara, waa in dhammaan heshiisyada saamaynta maaliyadeed leh ee dhaqangalka ah ee sharciga baalmarsan la waafajiyaa Sharciga Iibka ee Qaranka, 2016, iyo Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019.
2. Dhammaan heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta maaliyadeed leh ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kula jirto shirkadaha shisheeye waa in dib u eegis lagu sameeyo lana waafajiyo sharicga marka wakhtigoodu dhammaado kahor inta aan la cusboonaysiin.
3. Wasaaradda Maaliyadda waxaa la farayaa in ay hortabin siiso si joogta ahna u bixiso kharashaadka ka dhasha heshiisyada Dawladdu kula jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay si looga fogaado ganaaxyada sharci ee ka imaan kara.
4. Qararkan waxaa lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyada hoos ku xusan:
(b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay.
(t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay.
(j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose.
Qodobka 5-aad
Qodobo Qubane ah
1. Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho waa in la dhimo qiimaha adeegga konton boqolkiiba (50%) iyadoo khidmadda kasoo xaroota lagu qabanayo Khasnadda Midaysan.
2. Ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecaddaha kala soo daga furdooyinka Soomaaliya waxaa la farayaa inay shahaadada caddaynta tayada baddecadda ay kala yimaadan shirkadda Veritas ee Dawladda Soomaaliya ugu xilsaaran hubinta tayada badeecadaha.
3. Waxaa la joojiyay lacagaha howl fududeynta ah ee aan sharciga ku saleysneyn ee ganacsatada looga qaado Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha.
4. Dhammaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Shirkadda Alport Mogadishu, kuwa Furdada, Ciidanka Ilaalada Canshuuraha iyo hay’addaha kale ee amniga ma samayn karaan xannibaad ama daahis ay ka dhalan karto kharash ku siyaada badeecadda Dekadda.
5. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inay dejisaa qorshe lagu fududeynayo adeegayada laga bixiyo Dekedda Muqdishu.
6. Dhammaan shirkadaha dillaalayda furdooyinka iyo wakiiladda maraakibta (customs brokers & shipping lines) waxaa ka mamnuuc ah inay ku dallacaan ganacsatada lacagaha fududeynta ah oo lagu bixiyay si sharci daro ah.
7. Waxaa la joojiyay lacagaha laga qaado gaadiidka xammuulka ah ee ka baxa baraha koontaroolada ah ee magaalada Muqdisho sida Afgooye iyo Balcad.
8. Waxaa la yareeyay khidmadda Kaarka Ogolaanshaha Gelista Dekadda (Port Access Permit), waxaana laga dhigay $40 doolar oo kaliya, iyadoo meesha laga saaray qaadista lacag dhan $110 doolar.
9. Waxaa meesha lag saaray kharash kasta oo ku bixi jiray howlaha loogu yeeray Kontaynar-jabinta. Cid kasta oo ku lug yeelata qaadista khidmadaan la mamnuucay waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin sharciga waafaqsan.
10. Wasaaradda Ganacsiga waxaa la farayaa in ay u kuurgalid iyo wadatashiyo ka soo samayso cabashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya ganacsatada, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada.
11. Waxaa la farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada inay keento qorshe lagu xallinayo cabashooyinka ka jira gaadiidka xamuulka ka qaada Dekedda Muqdisho, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada.
GAROWE ONLINE