Mas’uuliin ka socda Xamaas & Iiraan oo ku kulmay Doha

Image

DOHA - Ururka Xamaas ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka Ismail Haniyeh uu dalka Qatar kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amir Abdollahian, iyagoo ka wada hadlay weerarka ay ku qaadeen Israel.

Sida lagu sheegay bayaanka, labada dhinac waxay xaqiijiyeen inay sii wadayaan iskaashiga si loo gaaro yoolalka ay leeyihiin dadka Falastiiniyiinta.

Intii lagu guda jiray kulanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa bogaadiyay weerarka oo uu ku tilmaamay "guul taariikhi ah", isagoo xusay "in uu dib u dhac weyn ku yahay mashruucii ay Israa’iil ka wadday Falastiin iyo gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Israa’iil oo ku dhow heshiis nabadeed oo ku saabsan Gaza

Warbixinaha ayaa muujinaya in qorshuhu ka tagayo albaab furan oo ku saabsan aayaha…

  • Caalamka

    29-09-2025

  • 03:49PM

Hogaamiyayaasha Carabta iyo Muslimiinta oo taageeray qorshe Israel kula wareegayso Gaza

Boqorka ayaa intaas ku daray in faahfaahin badan oo ka mid ah qorshahan “ay waafaqsan yihiin wixii la isku raacay.”

  • Caalamka

    29-09-2025

  • 07:37AM