Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Image

WASHINGTON - Larry Andre, oo horey u ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa si cad u muujiyay walaaca uu ka qabo jihada ay u socoto Soomaaliya, isagoo si gaar ah u tilmaamay in khilaafaadka siyaasadeed iyo qabyaaladda sii daba-dheeraatay ay caqabad ku yihiin nabadda iyo dowladnimada dalka.

Wareysi uu dhawaan siiyay wargeyska The Washington Post, Andre wuxuu ku sifeeyay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya mid jilicsan, isagana sheegay in dhacdooyinkii doorashooyinka 2022 ay muujinayeen sida ay u adagtahay in la helo hannaan siyaasadeed oo deggan. Sida uu hadalka u dhigay, rabshadahaasi waxay calaamad u ahaayeen khataro la dareemayo oo dhaawici kara dadaallada nabad-dhisidda.

“Soomaaliya waxay weli la tacaaleysaa saameynta qotoda dheer ee kala qeybsanaanta ku dhisan qabaa’ilka, taasoo si gaar ah u carqaladeynaysa dadaallada lagu dhisayo dowlad loo dhan yahay,” ayuu yiri Andre.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu si aad ah ugu mashquulsan yahay siyaasadda gudaha, taas oo hoos u dhigtay feejignaanta loo baahan yahay si wax looga qabto qatarta Al-Shabaab iyo arrimaha amniga guud ahaan.

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata. Beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka oo xulufo dhow la ah Soomaaliya, waxay si gaar ah isha ugu heyso xaaladda, iyadoo walaac ka muujineysa jihada ay wax u socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo qabanaya Shir kadib markii Golaha Wadatashiga Qaran u bedelay Xisbi

Shirka la filayo inuu dhaco 15-ka Juun ayaa loo arkaa inuu yahay isku day Villa Soomaaliya ay dib ugu raadineyso sharciyad siyaasadeed.

  • Soomaliya

    01-06-2025

  • 11:51AM

Mahad Salaad oo Dib Loogu Magacaabay Agaasimaha NISA, Qorshaha Villa Somalia oo Hirgalay

Magacaabista Mahad Salaad ayaa timid xilli uu jiray warbixin hore…

  • Soomaliya

    01-06-2025

  • 08:21AM