Iiraan oo drones ku weerartay Baxrayn, xiisadda Gacanka Carabta oo mar kale cirka isku shareertay

Image

Baxrayn ayaa sheegtay in waaberigii Sabtida ay bartilmaameed u noqotay diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo laga soo diray Iiraan, weerarkaasi oo yimid saacado un kadib markii Maraykanku duqeymo ka fuliyay xarumo militari oo Iiraan leedahay.

Mas’uuliyiinta Baxrayn ayaa sheegay in mid ka mid ah labada drone la soo riday, halka kan kalena uu ku dhacay meel aan wax khasaare ah geysan. Dowladda Baxrayn waxay ku eedeysay Iiraan inay khatar gelinayso amniga gobolka isla markaana sii hurinayso xiisadda Bariga Dhexe.

Dhanka kale, hay’ad la socota maraakiibta oo ay maamusho Ciidanka Badda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in gantaal uu ku dhacay markab marayay Marin-biyoodka Hormuz. Tani ayaa noqotay weerarkii labaad ee noocan ah muddo laba maalmood gudahood ah, iyadoo laga cabsi qabo inuu saameyn ku yeesho isu socodka maraakiibta ganacsiga ee marinkaasi.

Weeraradan ayaa dhacay kadib markii militariga Maraykanku sheegay inuu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen gantaallo, drones iyo raadaarro xeebeed oo Iiraan leedahay. Maraykanku wuxuu sheegay in tallaabadan ay jawaab u ahayd weerar ay Iiraan maalin ka hor ku qaaday markab xamuul ah oo marayay Marin-biyoodka Hormuz.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay jebisay heshiiskii xabbad-joojinta ee dhowaan dhexmaray labada dal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa dhankeeda ku eedeysay Maraykanka inuu jebiyay heshiiska xabbad-joojinta, iyadoo sheegtay in ciidamada Iiraan ay sii wadi doonaan difaaca madaxbannaanida iyo amniga dalka.

Xiisaddan cusub ayaa timid xilli heshiiskii dhawaan dhexmaray Maraykanka iyo Iiraan uu abuuray degganaansho kooban oo gobolka ah, isla markaana uu sare u kacay isu socodka maraakiibta ee Marin-biyoodka Hormuz.

Dhanka Lubnaan, hoggaamiyaha Hezbollah, Naim Qassem, ayaa diiday heshiiska ay Maraykanku ku dhawaaqeen ee u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan, isagoo sheegay inuusan aqbalayn qodobka dhigaya hub ka dhigista kooxda, isla markaana uu sheegay in Hezbollah ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Israa’iil.

Dagaalka gobolka ayaa billowday dabayaaqadii bishii Febraayo kadib olole militari oo ay si wadajir ah u qaadeen Maraykanka iyo Israa’iil, kaas oo si weyn u saameeyay Bariga Dhexe isla markaana sare u qaaday qiimaha tamarta ee suuqyada caalamka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM