Spain oo xukun adag ku riday hogaamiyeyaal gooni u goosad ah

Image

MADRDI, Spain – Maxkamadda Sarre ee Spain ayaa min 13-sano oo xabsi ah waxay ku xukuntay hogaamiyeyaal gooni u goosad u raadinayey gobolka Catalonian ee wadankaas.

Shaqsiyaadkan oo tiradoodu ay gaareyso 12 ayaa waxay kamid ahaa ragga ugu cad-cad ismaamulkaas.

Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa kusoo eedeeyay isku day ku aadan in ay kala qeyb-biyaan guud ahaan dalka.

Xukunkan ayaa yimid in ka badan laba sano kadib markii afti la qabtay bishii October ee 2017-kii ay xubnahan ku dhawaaqeen in gobolkan dhaca waqooyi bari uu madax banaan yahay.

Aftida ayaa natiijada kasoo baxday waxay noqotay mid ay u badatay dhanka "Haa" oo go'itaanka ah.

Dowladda Spain oo sharci darro ku tilmaamtay ayaa eedeysay rag uu ku jiro Oriol Junqueras, madaweyne ku xigeenkii hore ee gobolkaas oo caasimadiisu tahay magaalada Barcelona.

Intii ay socotay maxkamadeynta, ku dhowaad 600 marqaariteyaal oo uu kamid yahay Mariano Rajoy, mas'uul hore oo xafiiska joogay markii aftidu dhaceysay, ayaa looga yeeray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM