Wasiirka Wasarada Degaanka ee maamulka Puntland oo is-casiley [AKHRI]
GAROWE - Wasiirka Wasaarda degaanka Puntland ayaa xilkii uu hayey iska casiley kadib markii Maamulka Madaxweyne Gaas uu ku eedeeyey inuu ka weecdey ujeedooyinkii loo dhisey Puntland, sidaas waxaa lagu sheegey qoraal uu soo gaarsiisyey Warsidaha Garowe Online.
Cali Cabdulahi Warsame ayaa ku sheegey qoraalkiisa in maamulka Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas lasoo gudboonaadeen Jahawareer siyasadeed, dhaqaale, amni daro iyo in haykalkii difaaca degaanada hoos yimaado uu bur burey.
Wasiir Cabdulahi ayaa sheegey in wajibaadkii iyo shaqadii Wasarada degaanka lagu wareejiyey hay’ad Madaxweynaha si gaar ah u naas-nuujisa.
Go’aanka is-casilaada Wasiirka ayaa yimid kadib markii maalmihii lasoo dhaafey hay’ada Tamarta iyo biyaha “PSAWEN” golaha wasiirada Puntland ku wareejiyeen in la hoos keeno barnaamijka biyo xireenada taasoo dhalisay muran iyo jahawareer ku yimaado mashruuc Dowlada Jarmalka ka hirgalineysay degaano laga dayactirayey wadadda isku xirta Tuuladda Jalam iyo Xarfo.
Mashruucaan oo lacag farrabadan ku kacaya ayaa hay’adaan waxay olole u gashay sidii loogu Soo wareejin lahaa iyadoo gacan saar la yeelatey xubno ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Puntland.
Ku xigeenka cusub ee hay’adda PSAWEN ayaa waxaa dhowaan loo magacaabey Candirizaq Burgal oo Madaxweyne Gaas aad isugu dhow yihiin shaqsiyan.
Dowladda Jarmalka ayaa dhowaan joojisay gabi ahaan mashruuc lagu dayac tirayey Wadada isku xirta tuulada Jalam iyo degmada Xarfo kadib markii hirgalintiisa lagu sameeyey musuqmaasuq.
GAROWE ONLINE