DF oo si qarsoodi ah qandaraas ku kacaya malaayiin "u siisey" shirkad

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Soomaaliya ayaa qaab qarsoodi ah waxay shirkadda Navistar Defence ugu abaalmarisay heshiis ku kacaya 26 milyan oo Doollar, sidda lagu qoray mareegga Defenseweb.

Qandaraaska ayaa wuxuu dhigayaa in shirkadda ay dalka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika siiso gawaarida waaweyn ee xamulka.

Baabuurta ayaa lagu waddaa in magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ay ka degaan dhamaadka sanadka 2022-ka, sidda ku cad warbixinta.

Ma jirto meel ay xukuumadda federaalka ah kusoo bandhigtay mashruucaan iyo hadii shirkaddaha ay tartan furan u galeen.

Iyadda oo dhigeeda Soomaaliya aysan wali war kasoo saarin, wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa 25-kii bishaan November xaqiijisay in shirkaddan u fasaxday qandaraaska.

"Taariikhda uu dhamaanayo mashruuca waxaa lagu qiyaasayaa 25-ka November 2022," ayuu jaraa'idka ku daray.

Gaadiidka lagu waddo in ay Soomaaliya ka hesho shirkaddan ayaa waxaa loo naqshadeeyay qaab aanu xabadda karin, taas oo macnaheedu yahay in loo adeegsanayo goobaha dagaalka.

Navistar Defence ayaa ah shirkad laga leeyahay Mareykanka oo soo saarta gawaarida milatariga noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan kuwa balaastig ah oo aanu karin qaraxyadda iyo hubka culus.

Mareykanka oo ciidamo lagu qiyaasay boqolaal ay ka joogaan Soomaaliya ayaa waxa uu dalka leh xeebta ugu dheer Afrika ka taageera dagaalka ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab iyo Daacish.

Askarta Ameerikaanka ah ayaa fariisinkooda ugu weyn wuxuu yahay saldhiga Balidoogle, oo ah xerro ay ku tababaraan ciidanka Soomaaliya ee gulufka balaaran kula jira waxa loogu yeero argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM

Maxaa kusoo kordhay Weerar Al-Shabaab ee Xabsiga Sirdoonka ee Godka Jilicow?

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dhammaan 7-dii weerarka qaaday la dilay.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 05:25AM