Dowladda Federaalka iyo Jubaland oo heshiis wada gaarey

Image

May 27, 2015 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa wada gaarey heshiis dhowr qodo ka kooban, kadib booqasho muddo labo maamlmood ah qaadatey oo Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ku tegey magaalada Kismaayo.

Qodobada heshiiskani dhigayo waxaa kamid ah in maamulka Jubaland wax ka qabto cabashooyinka ka imaanaya beelaha qaar oo saluugey qaabka lagu soo xuley baarlammaanka Jubaland iyo weliba in Dowladda Federaalku dib u eegis ku sameyso natiijada sahanka lagu sameeyey tirada dadka Soomaalida ee ay shalay soo bandhigtey Wasaaradda Qorsheyntu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo la kulmay Senator Mareykan ah oo taageersan aqoonsiga Somaliland

Waxa uu sidoo kale xusay kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan macdanta sida lithium-ka, iyo xiriirka ay la leedahay Taiwan.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:57AM

Fiqi oo ka hadlay weerarkii Trump ku qaadey Ilhan Omar

Trump wuxuu bartiisa Truth Social ku qoray: “Soomaaliya waa mid mar walba ka mid ah wadamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:03AM