Heshiiska doorashooyinka Soomaaliya oo lasoo bandhigay
MUQDISHO, Soomaaliya - War-murtiyeed rasmi ah ayaa laga soo saarey wadahadaladii u dhaxeeyay madaxda Soomaalida kaasoo xal waara loogu goobayey is-mari-waaga doorashooyinka 2020-21.
Hoos ka akhriso war-murtiyeedka
Shir Madaxeed ay isugu yimaadeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayna ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi, Madaxweynaha, Jubaland Axmed Sh Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasis Xasan Maxed {Laftagaren, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye{ Qoorqoor}, Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen { Cali Guudlaawe}, iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxuud Maxed Filish.
Shirka ayaa ka dhacay Magaalada Mogadisho, socdayna 22 – 26 May 2021. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa si qoto dheer uga dooday xal u helista caqabadaha fulinta heshiiskii 17 September 2020 ee hannaanka qabsoomidda doorashada hay’adaha dastuuriga ah ee Federaalka Soomaaliya.
Golaha ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyey soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo ee 16 February 2021 si ay u meel mariyaan qodobada farsamo ee soo jeedinta Guddiga oo ka koobnaa:
1. Tubta xallinta cabashada la xariirta Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee labada heer Guddi.
2. Xal u helidda Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland
3. Hannaanka xalinta khilaafka Gobolka Gedo
4. Hirgelinta qoondada haweenka
5. Jadwalka qabsoomidda Doorashada
Golaha ayaa sidoo kale ka wada hadlay qodobo ay u arkeen in ay muhiim u yihiin qabsoomidda doorashada oo ay ka mid yihiin; amniga guud ee Dalka,kan doorashada iyo Qariiradda (Roadmap) dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Haddaba, Golaha Wadatashiga Qaranka, iyagoo tixgalinaya baahida loo qabo in doorashada hay’adaha Federaalka Soomaaliya ay ku qabsoonto muddo cayiman, kuna dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah, Dalkana u horseedda xasilooni siyaasadeed, waxay dood iyo falanqeyn dheer kadib go’aamiyeen qodobada soo socda:
1. Tubta xallinta khilaafka Guddiyada maamulka doorashooyinka
a) Goluhu wuxuu go’aamiyey, iyadoo la tixraacayo soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo, in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka loo soo gudbiyo xubnaha Guddiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashadu ka jirto muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku saxiixaan heshiiskaan.
b) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo cadeymaha xogtaas wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2 maalmood gudahood ah.
c) Guddiyadu waxay iska dhex dooranayaan guddoonkooda kadib markii ay soo dhameystirmaan.
2. Xallinta khilaafka Guddiga maamulka doorashada Somaliland
Golaha Wadatashiga Qaranku wuxuu go’aamiyey:
a) Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ayaa ka masuul ah habsami usocodka Doorashooyinka Kuraasta Soomaaliland isagoo ka talo-galinaya Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.
b) Gudoomiye Cabdi xaashi ayaa soo magacaabaya 4 Xubnood oo ka mid ah gudigga maamulka doorashada ee kuraasta soomaaliland {SEIT}, hal xubin oo ah guddiga Maamulka doorashooyinka ee Heer Federaal ee Soomaaliland {FEIT} iyo xal xubin oo ah gudiga Khilaafaadka.
3. Hannaanka xallinta khilaafka Gobolka Gedo
Shirka ayaa si qoto dheer u falanqeeyey, ugana dooday xaaladda Gobolka Gedo ee dhinacyada siyaasadda iyo amniga.
Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa xeeriyey soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo ee 16 February 2021 ee tubta xalinta khilaafka siyaasadeed iyo amni ee Gobolka Gedo guud ahaan iyo sidii ay doorashadu uga qabsoomi lahayd Magaalada Garbahaarey.
Haddaba, Goluhu wuxuu go’aamiyey:
a) Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ugu baaqayaan bulshada Gobolka Gedo in laga shaqeeyo nabadda, midnimada iyo wadajirka bulsho iyo kan maamul ee Jubaland.
b) Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalku uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta Gobolka Gedo si ay habsami ugu dhacdo doorashada Gobolka Gedo.
c) Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu go’aamiyey abuuridda guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo aysan ku jirin Jubaland si waafaqsan soo jeedintii Guddiga Farsamo ee Baydhabo.
- Guddigu wuxuu ka masuul yahay abuuridda jawi xasilooni amni iyo mid siyaasadeed oo ay ku qabsoomi karto doorasho wada oggol ah oo ka dhacda Magaalada Garbahaarey iyagoo si dhaw ula shaqeynaya Ra’iisul Wasaaraha XFS.
- Gudigu wuxuu soo jeedinayaa min labo Xubnood ee jagada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Garbahaareey iyagoo latashanaya Bulshada qaybaheeda kala duwan.
- Guddiga waxaa lagu soo magacaabayaa muddo 3 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa markii Madaxdu saxiixaan heshiiskaan.
d) Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha Maamulka Degmada Garbahaarey ee ay soo gudbiyeen Guddiga dib u heshiisiinta si waafaqsan soo jeedintii Guddiga Farsamada 16 February 2021 ee Baydhabo.
e) Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu farayaa Guddiga dib u heshiisiinta in ay ku soo dhameystiraan qorshaha xasilinta Gobolka Gedo guud ahaan iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbahaarey muddo 30 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa magacaabidda Guddiga.
f) Dhinaca amniga doorashada Garbahaarey, Goluhu wuxuu go’aamiyey:
I. In Booliska AMISOM la geeyo Magaalada Garba
II. haarey si ay u hubiyaan amniga Magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashadu,
III. In Guddiga dib u heshiisiinta iyo Maamulka cusub ee ay soo magacawday Jubbaland ka soo talo bixinayaan, kana shaqeeyaan sidii Guddiga doorashada, ergada iyo murashaxiinta loogu diyaarin lahaa ilaalo gaar ah (Close Protection) ee amnigooda si loo helo amni laysku halayn karo muddada ay doorashadu socoto.
g) Goluhu wuxuu go’aamiyey in Guddiga dib u heshiisiinta ay usoo gudbiyaan Xafiiska Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah qorshaha iyo jadwalka gogosha nabadeynta Gobolka iyo dhameystirka dhismaha Maamulka Gobolka Gedo, laguna hirgeliyo muddo 60 maalmood ah doorashada ka dib.
4. Amniga Doorashada (Election Security Protocol)
4.1. Golaha Wadatashiga Qaranka waxay go’aamiyeen:
a) In la dhiso guddi amni oo ka kooban 9 xubnood, masuulna ka ah amniga doorashada, uuna hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubnana ay ka yihiin Taliyayaasha Booliska Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo Taliyaha Booliska AMISOM.
b) In Guddiga Amnigu Diyaariyo ciidamo u gaar ah illaalinta goobaha ay ka dhacayso doorashada, gaar ahaan goobaha lagu dooranayo kuraasta Somaliland, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
c) Goluha Wadatashiga Qaranku wuxuu farayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga labada heer in aysan ku milmin, faragelinna ku sameyn arrimaha siyaasadda iyo hirgelinta doorashada.
d) In Guddiga amniga doorashadu ay warbixin joogta ah siiyaan Golaha Wadatashiga Qaranka si ay go’aan uga gaaraan hadba xaaladda taagan ee arrimaha amniga doorashada.
5. Hirgelinta qoondada haweenka
5.1. Goluhu wuxuu isku raacay, iyadoo la tixraacayo heshiiskii 17 September 2020 ee xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, in la illaaliyo qoondada haweenka ee labada Aqal.
6. Jadwalka qabsoomidda Doorashada
6.1. Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo la xeerinayo dib u dhaca ku yimid wakhtigii loo asteeyey qabsoomidda Doorashada Federaalka ee 2020/2021, wuxuu go’aamiyey:
a) In Doorashada lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah sida ku caddayd soo jeedintii 16 feb ee Baydhabo.
b) In Guddiga Maamulka Doorashada heer Federaal (FIEIT) ay soo saaraan jaangoynta jadwalka guud ee hirgalinta doorashada oo ku dhisan muddada ku xusan xarafka (a).
c) In Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah (SIEIT) ay diyaariyaan jadwal u gaar ah qabashada doorashada Dowladda Xubinta ka ah si waafaqsan jadwalka Guddiga heer Federaal.
7. Joogteynta wadashaqeynta Golaha Wadatashiga Qaranka.
a) Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa masuul ka ah fulinta heshiiskaan iyo ka shaqeynta amniga guud ee Dalka iyo kan doorashada.
b) Goluhu wuxuu go’aamiyey in ay yeesheen kulamo joogta ah oo lagu hubinayo fulinta iyo habsami u socodka hannaanka qabsoomidda doorashada, laguna xalinayo wixii caqabado ka dhasha hirgelinta doorashada..
8. Qariiradda (Roadmap) dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliya
a) Goluhu wuxuu si qoto dheer uga wada hadlay, go’aanna ka gaaray in la dejiyo qariiradda qorshayaasha mudnaanta leh ee dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliya, iyadoo la tixgeliyey in muddo labo sano gudahood ah lagu dhameystiro dhammaan qorshayaasha hortabinta leh.
b) Goluhu wuxuu go’aamiyey in ay si joogta ah uga wada shaqeyaan hirgelinta qariiradda dhameystirka dowlad dhiska Soomaaliya ee ku lifaaqan heshiiskaan.
9. Mahadcelin
a) Golaha wadatashiga Qaranku wuxuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga mahad celinayaa doorkiisa hogaamineed iyo fududeynta shirka.
b) Goluhu wuxuu Saamileyda Siyaasadeed, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed uga mahad celinayaa doorkii ay ka qaateen gaarista heshiiskaan iyo xallinta khilaafaadkii ka dhashay arrimaha doorashooyinka.
c) Goluhu wuxuu sidoo kale Beesha Caalamka uga mahad celinayaa taageerada ay la garab joogaan Dowladda Soomaaliya sidii xal looga gaari lahaa khilaafka arrimaha doorashooyinka.
Madaxda saxiixdey heshiiska oo ka hadashay munaasabadda ayaa daaha ka rogtay in ay ka go'an tahay dhaqan-gelinta dhamaan qodobadii ay qalinka ku duugeen isla markaana waqtigooda lagu dhaqan-geliyo.
GAROWE ONLINE