Laba sabab oo Soomaaliya ugu nugushahay sida Afghanistan

Image
Arrimahan ayaa la rumeysan yahay in ay shaki gelinayaan mashruuca dowlad-dhisidda Soomaaliya. [File Photo]

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo markii kooxda Taliban ay 20-sano kadib soo rogaal-celisay, walwal badan ayaa ka dilaacay gudaha Soomaaliya oo ah mid kamid ah dalalka aadka loola barbardhigo waddanka Afghanistan.

Soomaaliya waxay la kulantay burbur dawladeed iyo tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah ka hor intaanay soo ifbixin maleyshiyadda Al-Shabab ee xiriirka la leh al-Qaacida bartamihii 2000-meeyadii.

Dowladda caalamku taageersan yahay ayaa ku dhibtoonaysa inay dib u hanato xukunka dalka intiisa badan waxayna ku tiirsan tahay ciidamada Midowga Afrika ee ku hawlgala waajibaadka Golaha Ammaanka.

Ujeeddadu waxay ahayd in xididada loo siibo xididdada iyadoo dowladda la siinayo waqti ay ku dhisto hay'ado iyaddoo deeq-bixiyeyaashu taageeradoodu muhiim u tahay dib-u-dhiska waddanka.

Balse, sida Afgaanistaan, waxaa jira eedeymo ballaaran oo musuqmaasuq ah. Waxa kale oo sannadkan caasimadda ka dhacay iska-hor-imaadyo salka ku haya doorashooyin dib-u -dhac ku yimid, kuwaas oo qaybo ka mid ah ciidammada ammaanku isku soo jeesteen. Arrimahan ayaa la rumeysan yahay in ay shaki gelinayaan mashruuca dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Mowqifka daneeyeyaasha caalamiga ah

Ilham Gassar, la-taliyaha arrimaha siyaasadda ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa xustey in saaxiibbada caalamku ay xoogga saarayeen sidii ay u burburin lahaayeen maleyshiyadda Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtey Ilhaam, ahmiyadda saaxiibadda caalamka ma ahan in ay dhisaan dowlad awood leh. Tani waxay lamid ah mowqifka Mareykanka qaatay markii Taliban ay xukunka dib ugu soo laabatay asbuucii hore.

"Ahmiyadda marnaba ma aysan ahayn in lasoo celiyo wanaaga nolosha Soomaalida nala abuuro nidaamyo waara," ayay tiri, sida ay ku sheegtay wareysi ay siisay BBC-da qeybta dunida la hadasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa loogu talagalay inay hormuud ka noqoto howlgallada amniga gabagabada sannadkan, balse waxay u muuqataa mid aan dhici karin sababo la xiriira su’aalaha ku saabsan awoodda ciidanka.

Diyaarsanaan la'aanta ciidamada Soomaaliya

Samiira Gaid, madaxa Machadka Hiraal ee arrimaha amniga, ayaa sheegtay in ciidamada Soomaaliya aysan xitaa diyaar u ahayn in ay joojiyaan duulaanka "ka imaan kara xagjiriinta marka loo eego kuwa Afghanistan".

"Ciidamada ammaanka Soomaaliya ma aysan helin 0.005% wixii ay heleen ciidamada ammaanka Afgaanistaan," ayay u sheegtay BBC-da. "Taageerada la taaban karo ee ku aaddan dib-u-dhiska ciidamada ammaanka Soomaaliya aad ayay u yar tahay".

Gudaha Soomaaliya, waxaa jira guux aad u xoogan oo ah sidii iyo goortii la joojin lahaa kaalmada dibadda. Dad badan waxay rumeysan yihiin in tani ay ku xiran tahay in dalka uu helo hogaan hiigsigiisu ka fog yahay xukun.

Midowga Yurub wuxuu durbadiiba bilaabay inuu yareeyo dhaqaalihii uu siin jiray ciidamadda shisheeye ee waddanka ku sugan, dowladduna waxaa ka dhamaanaya waqtigii ay isku diyaarin lahayd in ay ku gaarto isku filnaansho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM