Mid kamid ah Dekadaha Itoobiya maalgashaneyso oo la shaaciyay

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa  si wayn uu usoo dhaweeyay heshiisyadii ay wada galeen Sabtidii Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiisyadaan oo kala saxiixdeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, ayuu Waare ku tilmaamay mid maamulkiisa dan dhaqaale ugu jirto.

Wuxuu ku dooday inuu bog cusub u furayo xiriirka iyo waliba kobcida dhaqaalaha Soomaaliya iyo waliba deegaanada maamulkiisa, kaasoo Xuduud dheer la leh dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Hogaamiyaha HirShabelle, wuxuu si gaar ah u bogaadiyay qodobka sheegaya in Itoobiya iyo Soomaaliya ay si wadajir ah uwada maalgeshan doonan Afar dekadood oo aan la magacaabin.

Balse, Madaxweyne Waare ayaa wuxuu sheegay inuu filayo in mid kamid ah dekadaha ay maal-geshaneyso Itoobiya ay tahay Cadalle, oo tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

"Runtii waa heshiis aad u mudan in lasoo dhaweeyo, waxaana filaynaa inay wax badan ka bedasho dhaqaalaha HirShabelle iyo midka Umadda Soomaaliyeed," ayuu u sheegay Waare warbaahinta dowladda.

Laguma sheegin magacyada Dekedaha Itoobiya maalgashiga ku sameynayso war-murtiyeedkii ay sida wadajir ah usoo saareen Farmaajo iyo Abiy Axmed kadib kulankoodii sabtida ee ka dhacay Muqdisho.

HirShabeelle ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee kamid ah kuwa dalka ka jira ee soo dhaweeya heshiiska ay dhawaan kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya, inkastoo kuwa kale aysan wali ka hadal.

Waare ayaa la rumeysan yahay inuu ku jiro xubnaha sida wayn ugu xiran Madaxtooyadda Soomaaliya, islamarkaana xiriir aad u wanagasan la leh, inkastoo maamulada kale ee dalka uusan fiicneyn xiriirka Villa Soomaaliya la leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM