Xasan Sheekh Maxamuud: Qoslaaye, geel-jire hore iyo madaxwayne

Image
Waa sheekadda maqaal ciwaan looga dhigay "Gudaha Villa Soomaaliya: La jooga 72-saacood madaxweynaha dalka ugu halista badan aduunka".

MUQDISHO, Soomaaliya – Majaladda The Guardian ayaa daabacdey maqaal ay uga faallootay Soomaaliya kaasoo ciwaan looga dhigay "Gudaha Villa Soomaaliya: La jooga 72-saacood madaxweynaha dalka ugu halista badan aduunka". Warbixinta waxaa qoray Tom Gardner oo maalmo ku qaatay caasimadda Muqdisho.

Bilowga wuxuu uga waramay inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Villa Soomaaliya oo uu socdey muddo 15-daqiiqo. Kontaroolada tiro-beelka ah iyo qaraxyada dhacaya ayuu su'aal ka keenay.

Xogta tagitaankiisa Madaxtooyadda ayuu qiray in aad loo xadiday sababo amni aawadeed. "Ma jirin qof kale oo ogaa oo aan ka ahayn madaxweynaha iyo lataliyeyaasha qaar ee aadka ugu dhow," ayuu ku xusay fur-furashada qormadda.

"Rag dhalinyaro ah oo aan dhoola cadeyn oo xiran Ray-Bans (ookiyaale) ayaa ilaalo ka haya albaabka laga soo galo xafiiskiisa, halkaasoo Maxamuud uu keligii fadhiyo miis alwaax ah oo suubban, isagoo uu kasoo horjeedo sawirka madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya, Aadan Cadde," ayuu sii raaciyey.

Dagaalka saddex geesoodka Al-Shabaab

Hay'adda sirdoonka qaranka ayuu kasoo xigtey in Xasan Sheekh uu "bartilmaameedka koowaad u yahay Al-Shabaab". Isku-dayadii hore ee madaxweynaha uga badbaadey khaarijinta ayuu soo qaatay oo ay ku jirto weerarkii Madaxtooyada.

Kadib markii dib loo doortey 15-kii May, 2022, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa hogaamiyey dagaal saddex-geesood ka dhan ah Al-Shabaab. Tobanaan degaano iyo magaalooyin ayay ciidanka la wareegeen, balse kooxda ayaa dhiig badan daadisay.

Mid kamid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ayaa galaaftay 100 ruux. Qaraxyo gaari ah oo lagu beegsaday wasaaradda waxbarashada oo uu maamulo saaxiibka Xasan Sheekh ee Faarax Cabdiqaadir ayaa falalkaas geystay.

"Balse, madaxweynuhu wuxuu sheegay in weerarkaas uu aargoosi u ahaa dagaalka dhameystiran ee dowladiisa," ayay ku daray. "Soomaaliya waxay si joogto ah ugu jirtaa ama ku dhowdahay halka ugu hoosaysa ee qiimaynta caalamiga ah ee musuqmaasuqa, faqriga iyo jilicsanaanta dawladnimo".

Waayaha nololeed ee Xasan iyo Farmaajo

Wariyaha ayaa is-barbardhig ku sameeyay Xasan Sheekh iyo madaxwaynihii hore Farmaajo. Xasan Sheekh ayuu ku tilmaamay "nin usoo joogay dhibaatada Soomaaliya kadib burbrukii 1991", halka uu Farmaajo ku qeexay "nin inta badan noloshiisa ku qaatay daaraha dhaadheer ee New York".

Xasan Sheekh ayuu tilmaamay in uu isku koobo "lataliyeyaal uu aamini karo" halka Farmaajo uu ku sifeeyay in mudada xileedkiisa uu waqti badan geliyey "sidii uu meesha uga saari lahaa siyaasiyiinta mucaaradka ku ah taasoo meesha ka saartey ahmiyada la dagaalanka Al-Shabaab".

Macalinkii iyo ganacsadihii hore ee madaxweynaha noqdey, Xasan Sheekh, ayaa sheegay "in aadan ogayn xilliga uu madfac kusoo dhacayo gurigaaga". Hadalkan ayuu ka dhawaajiyey xilli uu ka hadlaayey xiligii qabqablayaasha iyo dagaalkii sokeeye.

67-sano jirkan ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay in uusan waligii ku fikin in uu ku noolaado meel ka baxsan Soomaaliya. "Weligay kuma fekerin in aan dibadda u baxsado...Muqdisho waa meesha aan aniga iska leeyahay," ayuu ku adkeystay.

'Qoslaaye', geel-jire hore, iyo barre jaamacadeed

Isaga oo cuksanaya dhoola-cadeynta badan ee madaxweynaha, saxafiga ayaa daabacay in dadka qaar ay madaxweynaha ku naaneesaan "Qoslaaye" ayna kula kaftaan mar walba oo ay masraxyada ka hadlayaan.

"Si kastaba ha ahaatee, wuxuu leeyahay cod xoog badan. Indhihiisu way dhalaalayaan markuu dhoola cadeynayo, wuxuuna awood u leeyahay inuu soo jiito dhagaystayaashiisa," ayay qoray.

Kadib burburkii ka dhacay Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo qaar kamid ah saaxiibadiisa ayaa aas-aasay xarun waxbarasho iyo jaamacad halkaasoo ugu dambeyntii uu siyaasadda uga soo biiray.

Geel-jire hore, oo waalidkii ay dhinteen yaraantiisii, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku koray miyiga. "Haddii aad kusoo noolaatay miyiga waxaad ku bixinaysaa waqti badan hadalka," ayuu yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Cali Cumar Balcad, oo kamid ah saaxiibada Xasan Sheekh. "Sidaas darteed isagu wuu yaqaan dhaqanka iyo luqadda inteena kale".

Xudunta mushkilada Soomaaliya iyo xalkeeda 

Qeybta ugu dambeysa qormadda ayaa looga hadlay mar-xaladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo martey gaar ahaan duulaankii Itoobiyaanka, dhismihii dowladda ku meelgaarka ahayd iyo kaalinti Xasan Sheekh ee ururada bulshadda.

Sidoo kale, waxaa lagu soo qaadey ololihii doorashada madaxtinimadda 2021-21 iyo dagaalkii siyaasadeed ee mucaaradka uu Xasan Sheekh ku jiray la galeen Farmaajo waxaana ay qirtey in uu ahaa halgan gacan-ka-hadal ku sigtey.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in xudunta dhibaaatada Soomaaliya ay tahay qabyaalad, raadka xukunkii milatariga, iyo xagjirnimada. "Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya laga dhisi karo dowlad dimoqraadi ah," ayuu xusay. "Taasina waa jidka keliya ee looga bixi karo [mushkilada]".

Inkasta oo uu qiray in Soomaaliya ay tahay "waddan fashimay," haddana waxa uu muujiyey in uu wali rajo ka leeyahay waddanka. "Haa, waan nahay dawlad fashilantay. Balse waxaa jirta dawlad si kasta oo ay u liidato. Caqabadda waa in aan ka guurno dawlad jilicsan oo aan noqo dowlad si buuxda u shaqeynaysa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo booqanaya Masar kadib heshiis Abiy Axmed oo ka nixiyay Al-Siisi 

Mawduucyada la filayo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah amniga, ganacsiga, iyo siyaasadda isbeddelaysa ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    21-01-2025

  • 12:39PM

Safarka Axmed Madoobe ee Kenya oo Khilaafka ka dhex abuuray Xasan Sheekh iyo Xamse

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre sidoo kale wuxuu doonayaa in Safiirka Soomaaliya ee Kenya dalka inuu yimaado loogu yeero.

  • Soomaliya

    21-01-2025

  • 11:32AM