XOG: Jawaari iyo Xoosh oo wada qorshayaal ku aadan Dastuurka Federaalka Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Magalaada Muqdishu ayaa asbuucyadii lasoo dhaafey waxaa ka socdey shirar looga hadlayo dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka qabyada ah ee Federalka Somalia kuwasoo uu wado wasiirka arimaha Dastuurka u qaabilsan dowlada Federaalka Somalia.

Warsidaha Garowe online ayaa fahansan iney jiraan qorshayaal ku aadan qaababka codbixnta  loogu sameynayo Dastuurka qabyada ah ee dowlada Federaalka Somalia kasoo sida xogtaan sheegeyso si hoose uga wada shaqeynayaan gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Maxamad Cismaan Jawaari iyo Wasiirka Dastuurka Federaalka Somalia Cabdiraxman Xoosh Jibriil.

Wararka ayaa sheegaya in labadaan mas'uul ay ku gudo jireen bishii la soo dhaafey kulamo ay la qaadanayeen magalaada Nairobi xubno ka tirsan beesha calaamka  kuwasoo ay ka raadinyeen tageero dhaqaale iyo mid siyasadeed. Barnaamijka ayaa diirada saaraya in Dastuurka KMG uusan u bahaneyn Afti guud ee loo qaado balse lagu saleeyo codbixin ay sameeyaan dad laga soo ururshey qaybaha kala duwan ee bulshada kuwasoo lagu xereeyo goob kamid ah magaalada Muqdishu ama la geeyo codbixinaha qayb kamid ah magaalo madaxyada maamul goboleedyada iyadoo la raacayo nidaamkii doorasho ee 2016-kii. Halkaan ka akhri kulamo labada mas'uul beesha caalamka kula yeesheen Nairobi.

Wasiirka Dastuurka dowlada Federalka Somalia  Cabdiraxman Xoosh Jibriil iyo gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Somalia Maxamad Cismaan Jawaari ayaa horey uga soo wada shaqeeyey barnaamjikii codbixnta kooban loogu sameeyey Dastuurka KMG Federaalka Somalia kaa soo khilaaf ka dhex abuurey maamulada dowlada  Federaalka ka tirsan iyo dowlada Federaalka ah.

"Barnamaijkaan hadii uu ku hirgalo sida  lagu wado taasoo ah  in Dastuurka KMG ah ee Somalia lagu  ansaxiyo nidaamka aftida kooban halkii la filayey in afti guud ee dalka  ka dhacda sanadka 2020-2021 uu qayb ka noqdo ayaa noqoneysa balan furyo kale ee lagu sameeyo shacabka Somalia." Sidaas waxaa GO u sheegey qof xogogaal u ah  arimaha Federaalka Somalia.

Xafiiska QM u qaabilsan arimaha Somalia oo uu madaxda yahay Micheal Keating ayaa aad uga shaqeeyey sanadkii 2016 sidii shacabka Somalia xubnaha Barlamanada Federaalka u matali doona ku soo doortaan nidaamkii  4.5 kasoo QM balan qaadey in 2020 dadka Somalidu madaxdooda iyo Dastuurka ku soo dooran doonaan Hal cod Hal qof.

Dhinaca kale tan iyo intii la doortey xukuumada Ra'isal wasare Khayre waxaa socdey kulamo u dhexeeya wakiilada beesha caalamka ee dhaqaale ahaan tageera dowlada kuwasoo dabada ka riixaya in heshiisyo hordhac ah laga gaaro qaybsiga khayraadka dalka iyo dakhliga. 

Wax qaybsiga hordhaca ah ayaa dib u dhac ku ah   in dowlada Federaalka Somalia awoodeeda ugu sareysa saarto sidii dalka Somalia u heli lahaa Dastuur taaba gal ah kaasoo kal hagi doona  maamulada iyo dowlada kuwasoo ku wada shaqeyn doona nidaam ku dhisan Federaal.

Dastuurka Federaalka Somalia oo laga sugayo dowlada Madaxweyne Farmaajo in afti dadweyne u qaado inta xafiiska ay joogto ayaa kala qeexi doona awoodaha dowlada Federalka ah iyo maamulada ka tirsan kuwasoo ay kamid noqon doonaan qodobo qeexa qaybsiga khayraadka dalka, dakhliga kasoo xeroodo dekadaha, garoomada iyo maqaamka magaalo madaxda Somalia ee Muqdishu.

Xuquuqda warkaan waxaa leh GO hadaad dib u daabceyso ku xus magaca mareegtaan ama kala soo xiriir contact@garoweonline.com

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya oo Qorsheynaysa Siyaasad Dhexdhexaadnimo ee Xiriirka Masar iyo Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa ka digay in dalal aan badda lahayn ay dhistaan saldhigyo militari Badda Cas.

  • Soomaliya

    14-01-2025

  • 11:09AM

Midowga Afrika oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa sidoo kale ku adkaystay in dalkiisa uu qeyb ka noqdo AUSSOM, codsi haatan la dhammaystirayo.

  • Soomaliya

    13-01-2025

  • 02:50PM